Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka oo ka hadlay arrimaha xuduudaha Soomaaliya

Date:

Muqdisho-(SNTV)- Guddiga Madaxa bannaan ee xudduudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshaha ku  aaddan is-waafajinta Dastuurka iyo sharciyada la xariira  arrimaha xadka ee aynu la wadaagno Waddamada deriska ah iyo xal ka gaarista caqabadaha xudduuddaha maamul Goboleedyada Dalka.

Guddoomiyaha guddiga xudduudaha iyo federaalka Soomaaliya, Khalliif C/kariin Maxamed, oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay kulamo la qaateen guddiyada howlahan u xil-saaran ee Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, iyagoo ka munaaqishooday sidii arrintan xal buuxa looga gaari lahaa.

Guddoomiye Khalliif ayaa sheegay in xudduuddii rasmiga ahayd ee u dhexeysay Soomaaliya iyo Kenya ay tahay Silig uu gumeystihii Ingiriiska ku kala xadeeyay Labada Dal, balse ay Dowladda Kenya isku dayday inay Gidaar ka dhisto, taasoo ay Dowladda Soomaalya ka Biya diidday, keentayna in Labada Madaxweyna ay ka wada hadlaan sidii loo joojin lahaa dhismaha Derbigaas.

Wuxuu sheegay Khalliif inay Soomaaliya iyo Kenya ka dhexeeyaan dano badan oo ay ka mid tahay, isu socodka Dadka iyo Ganacsiga, maaddaama ay Ciidamada Kenya qayb ka yihiin howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Xudduudaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayuu sheegay inay dhowr mar Ciidanka Liyuu Boolis ka geysteen shaqaaqo ay ku dhinteen Dad Shacab ah, taasoo ah mid u baahan in Labada Dowladood ay ka wada xaajoodaan si dhibaatada Xadka ka jirta loo yareeyo.

Wuxuu sheegay Guddoomiye Khalliif, in ay Madaxda Dalka ugu sarreysa ay u gudbiyeen caqabadaha ka jira xuduudaha ay Soomaaliya la wadaagto Dalalka deriska ah, qorshaha arrimahaa kaga degsanna uu meel wanaagsan marayo.

Guddoomiye Khalliif ayaa waxa kale uu sheegay inay ku howlan yihiin dhammaystirka nidaamka sharci ee xudduudaha Dalka, si loo yareeyo Khilaafaadka mararka qaar ka dhex dhaca maaul Goboleedyada Dalka ee ka dhasha soohdimaha ay wadaagaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...