Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka oo ka hadlay arrimaha xuduudaha Soomaaliya

Date:

Muqdisho-(SNTV)- Guddiga Madaxa bannaan ee xudduudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay qorshaha ku  aaddan is-waafajinta Dastuurka iyo sharciyada la xariira  arrimaha xadka ee aynu la wadaagno Waddamada deriska ah iyo xal ka gaarista caqabadaha xudduuddaha maamul Goboleedyada Dalka.

Guddoomiyaha guddiga xudduudaha iyo federaalka Soomaaliya, Khalliif C/kariin Maxamed, oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay kulamo la qaateen guddiyada howlahan u xil-saaran ee Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, iyagoo ka munaaqishooday sidii arrintan xal buuxa looga gaari lahaa.

Guddoomiye Khalliif ayaa sheegay in xudduuddii rasmiga ahayd ee u dhexeysay Soomaaliya iyo Kenya ay tahay Silig uu gumeystihii Ingiriiska ku kala xadeeyay Labada Dal, balse ay Dowladda Kenya isku dayday inay Gidaar ka dhisto, taasoo ay Dowladda Soomaalya ka Biya diidday, keentayna in Labada Madaxweyna ay ka wada hadlaan sidii loo joojin lahaa dhismaha Derbigaas.

Wuxuu sheegay Khalliif inay Soomaaliya iyo Kenya ka dhexeeyaan dano badan oo ay ka mid tahay, isu socodka Dadka iyo Ganacsiga, maaddaama ay Ciidamada Kenya qayb ka yihiin howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Xudduudaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayuu sheegay inay dhowr mar Ciidanka Liyuu Boolis ka geysteen shaqaaqo ay ku dhinteen Dad Shacab ah, taasoo ah mid u baahan in Labada Dowladood ay ka wada xaajoodaan si dhibaatada Xadka ka jirta loo yareeyo.

Wuxuu sheegay Guddoomiye Khalliif, in ay Madaxda Dalka ugu sarreysa ay u gudbiyeen caqabadaha ka jira xuduudaha ay Soomaaliya la wadaagto Dalalka deriska ah, qorshaha arrimahaa kaga degsanna uu meel wanaagsan marayo.

Guddoomiye Khalliif ayaa waxa kale uu sheegay inay ku howlan yihiin dhammaystirka nidaamka sharci ee xudduudaha Dalka, si loo yareeyo Khilaafaadka mararka qaar ka dhex dhaca maaul Goboleedyada Dalka ee ka dhasha soohdimaha ay wadaagaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

50-kamid ah Ciidanka xaq u dirirka degaanka oo laga sagootiyay Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar...

Wasiirka Maaliyadda oo daah-furay hannaanka saxiixa Danabeysan ee Maamulka lacag bixinta

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige,...

Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay isu soo bax lagu taageerayay doorashada qof iyo codka ah

Xalay waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Taleex, isugu...

Wasiirka Gaashaanshigga oo kulan la qaatay Guddiga Difaaca iyo Amniga Aqalka Sare

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu...