Puntland oo dayactir ku sameysay mid kamid ah xarumaha maamulkaasi

Date:

Garowe(SNTV);- Madaxweynaha Maamulka Gobolleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 6 August 2018 waxaa uu xariga ka jaray xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriika Caalamiga ah ee Maamulka Puntland, xaruntaas oo dayactir lagu sameeyey.

Madxaweynaha Puntland waxaa ku wehelinayey xaRig jarka, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Puntland Shire Xaaji Faarax, Agaasimaha Hayโ€™ada UNDP Soomaaliya Mr.George Conwey Madxa UNDP Puntland Mr. Sayid iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

Dhinaca kale Xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriika Caalamiga ah ee Maamulka Puntland oo ahayd xarun horey ay wasaarddu ugu shaqeyn jirtay ayaa waxaa dayactir balaadhan ku sameeyay Hayโ€™ada UNDP oo maashaariico horumarineed oo badan ka fulisay deegaanada Puntland, wada shaqayn dhowna la leh Dowladda Puntland.

Xarig jarka kadib Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa waxaa uu kormeer ku sameeyay xafiisyada iyo qaybaha ay ka koobantahay dhismaha wasaaradda, islamarโ€™ahaantaana mid mid ugalay xafiisayada wasaaradda oo xiligaasi ahaa kuwa mashquulsan oo shaqado maalmeedkii ka socotay, sidoo kalenaย  madaxweynaha ayaa indhaindheeyey qaabka ay u shaqadu socoto.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kalmad koobn ka jeediyay munaasibadii xadhig jarka xarunta Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriika Caalamiga ah ee Dowladda Puntland ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaaโ€

โ€œWaan ku faraxsanahay inaan maanta imaado Wasaarada Qorsheynta oo waji cusub yeelatay, waan ku faraxsanahay inay wasaardu saas isku bedeshay, waxaan ka hadlayaana maaha muuqaalka guriga,ย  ee waxaan ku faraxsanahay waxa weeye markaan tegay xafiisyada iyo shaqada kasocota, iyo inaan arkay dad dhalinyaro ah oo ku faraxsan shaqada ay hayaan, wasaardani waa wejigii laga soo gelayey Dalka,ย  markaa inay fiican tahay, wanaagsan tahay, qurux badan tahay waa wax aad loogu baahan yahay,ย  idinkana ka wasaarad ahaan waxaan idinkula dardaarmayaa in shaqada aad wadaan aad meesha kasii wadaan, sidoo kalena hayโ€™ada UNDP way ku mahadsan yihii shaqada wanaagsan ee ay qabteen, waxaana maanta mahadagaara unaqayaa madaxda hayโ€™da oo uu ugu horeeyo George,ย  iyo Seyid oo isaguna ah madaxa Hayโ€™ada ujooga caasimada Puntland oo aan sigaara ugu mahadcelinayo, runtii isbedal balaadhan bay Wasaaradu gaadhay intii uu Wasiir Shire wasaarada yimaadey, wayna kamuuqataa hogaamintiisa wasiirkuย  Wasaaradaโ€ Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka Biyaha XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qadar

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Mudane Cabdullaahi Bidhaan...

Soomaaliya oo 35 Sano kadib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo qaabillay wafdi ka socda Saldanadda Cummaan

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...