Maamulka Gobolka Banaadir oo iska wareystay arrimaha barakacayaasha

Date:

Muqdisho(SNTV);- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay barnaamijka wada-tashiga siyaasadda barakacayaasha ayaa sheegay in isku tashiga iyo wax wada qabsiga bulshada ay asaas u yihiin dadaallada lagu xallinayo dhibaatooyinka haysta barakacayaasha.

Guddoomiyaha ayaa la wadaagay ergeda barakacayaasha ee ka qeyb qaadanayey wada tashiyadan, qorsheyaasha Gobolka Banaadir ee ku saabsan sidii xal waara loogu sameyn lahaa dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan Gobolka Banaadir.

“Waxaan qorsheynaynaa sidii aan deegaameyn dhammeystiran ugu sameyn lahaa barakacayaasha, duruufta adag ee ay la noolyihiinna aan garab uga siin lahayn, taas oo u baahanna in aan dadaalladeena u mideyno, wax-qabad muuqdana aan ka muujinno.”

Eng.Yarisow ayaa ku bogaadiyey dadka barakacayaasha ah dhabar adeygga iyo dadaalka ay ku maareeyeen xalaadihii nolaleed ee soo maray, isagoona tilmaamay in mudnaan la siin doono talada iyo aragtida ay ku darsadeen siyaasadda xal u helista barakacayaasha ee maanta la horkeenay.

“Tan iyo sanadkii 2011kii dad Soomaaliyeed ayaa duruufo adag ku nool xeryaha Barakacayaasha ee ku yaalla Muqdisho, Muddaas 7-da sano ah laguma guuleysan in xal waaro loo helo, balse haatan waxaa muuqata fursad ku aaddan in aan dadkan u abuuri karno nolol ku haboon, una sameyn karno deegamayn dhammeystiran.”

Dhankooda, xubnaha barakacayaasha ee qeybta ka ah diyaarinta qorshahan ayaa uga mahad celiyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaalka ay ugu jiraan xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran ee la xiriira dhanka nolasha, gaar ahaan deegaanka, caafimaadka iyo fursadaha shaqada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...