Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ka Qayb Galay Xaflad Shahaadooyin Lagu Guddoonsiinayay Arday Ka Qalin-jebisay Jaamacadda PSU

Date:

Garowe, August 1, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo magaalada Garowe uga qayb galay xaflad shahaadooyin lagu guddoonsiinayay arday ka qalin-jebisay kulyadaha kala duwan ee jaamacadda Puntland (PSU) ayaa ku dhiirri geliyay qalin-jebiyaasha in aqoontooda ay ugu adeegaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa hambalyeeyay qalin-jebiyaasha, waxa uuna u mahadceliyay waalidiinta ardayda, dawlad gobaleedka Puntland, maamulka iyo barayaasha jaamacadda isaga oo sheegay in maanta ay tahay maalin ku wayn qalin-jebiyaasha iyo ummadda Soomaaliyeed inteeda kale.

“Idinkana waan idiin hambalyeyneynaa, waalidiintii idinku soo dadaalayna waan u mahadcelinayaa. Maanta waxa ay idiin tahay maalin wayn, Soomaaliyana maalin weyn ayey u tahay”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa u sheegay qalin-jebiyaaha in Soomaaliya ay dhibaata badan soo martay hase yeeshee ay soo kabaneyso oo ay haysato dariiqa rasmiga ah ee horumarka una baahantahay aqoonyahanno habeen iyo maalin usoo jeeda horumarinta dalka si Soomaaliya ay ula tartanto aduunyada inteeda kale.

Aqoonyahannada maanta la gudoonsiiyay shahaadooyinka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu xasuusiyay in ay u qalin-jebiyeen dal ay qabyaaladu ka xoog badantahay qarannimada, musuq-maasuquna uu nolasha caadiga ah kamid noqday, sidaa darteed laga sugayo in ay u fakaraan qaabka ay u fakaraan ummadaha tartanku kala dhexeeyo, una shaqeeyaan si aan caadi ahayn si loo hagaajinayo, loona jeexo dariiqa wanaagsn ee mustaqbalka ummadda iyo dawladnimada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa u rejeeyay qalin-jebiyaasha in shahaadooyinka ay qaateen maanta ay noqdaan kuwii ay ku hagaajin lahaayeen dalka oo ay ku gaarsiin lahaayeen maqaamka ay mudantahay Soomaaliya in ay ka gaarto nolosha iyo ilbaxnimada dunida, waxa uuna kula dardaarmay in aqoontooda sii kordhiyaan maadaama ummaduhu ay u kala fursad wanaagsanyihiin sida ay u kala aqoon badanyihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...