Ra’iisul Wasaare Khayre oo qaabilay wafdi ka qeyb galay shirka Waxbarashada sare ee Dalka

Date:

Muqdisho (SNTV):– Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socoda waddamada Thailand, koonfur Afrika, Suudaan, Turkiga iyo Talyaaniga kuwaas oo ka qayb galay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare  ee  dhawaan ka furmay magaalada Muqdisho kaas oo si wadajir ah ay usoo qaban-qaabiyeen jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo wasaaradda waxbarashada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wafdiga kala hadlay heerka waxbarashada sare ee Soomaaliya ay soo gaartay, rajada wanaagsan ee jirta iyo dowrka horumarineed ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo jaamacadaha kale ee dalka ka jira ay ku leeyihiin, waxa uuna sidoo kale uga mahad-celiyay ka qayb galkooda shirkan caalamiga ah ee waxbarashada sare.

Xubnaha wafdiga ayaa dhankooda ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyay soo dhaweynta ballaaran ee loo sameeyay, iyadoo  xubnaha wafdiga qaarkood ay sannadkii hore kasoo qayb galay shirka caalamiga ah ee waxbarashada sare ay qireen in uu jiro horumar ballaaran oo dhanka waxbarashada ah, waxa ayna  ballan qaadaeen warbixinta horumarka dalka ku arkeen ay  gaarsiin doonaan dalalkii ay ka yimaadeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula ballamay masuuliyiinta Wasaaradda waxbarashada iyo jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo kulanka goob joog ka ahaa in ay badiyaan shirkarka lagu horumarinayo waxbarashada dalka iyo in ay la shaqeeyaan dhinacyada daneeya horumarina waxbarashada dalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...