Muqdisho (SNTV)-Jaamac Xuseen Xasan Nuuni oo ahaa Filim-qaadihii kooxda Daacishta Soomaaliya qala-laasaha ka waddo, sidoo kala ย ahaaย mid ka mid ah kuwooda u qaabilsan kooxda qaraxyada ayย ku dhibaateeyaan ย shacabka ku dhaqan goballada shabeelaha-Hoose ย iyo Benaadir ayaaย maxkamadda darajada 1-aad goโaan ka soo saartay.
Maxkamadda ayaa ย u cuskatay xukunkeeda qodobo ย kale duwan sida Qiraalka Eedeysanaha, ย Caddeymaha laga qoray markaatiyaasha, Kaamiro video uu watay eedeysanaha oo ay kuu duubnaayeen muuqaallo muujinayo ficilada kooxda, Batari, Fiilooyin iyo agab kale oo loo isticmaallo farsamada qaraxyada.
Caddeymaha muuqaal laga duubay Qarax uu aasay eedeysanaha ย inta aysan qarxin ciidamada amniga ka hor , codsiga qareenada u doodayay eedeysanaha ee aheyd in loo naxariisto maadaama markii ugu horreysay ee aheyd ee uu geysto ficil nuucaas ah, waxa ay garsoorayaasha goโaamiyeen In jaamac Xuseen Xasan Nuuni uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo eedeeyay waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Xabsi daaโinโ- Sida uu u sheegay warbaahinta ย G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Eedeysanah ayaaย ku biiray kooxda ย Daacish ย kadib markii ay is qabteen kooxda Al-shabaab uu horay uga tirsanaa, waxa uuna cel-celis ahaan ku soo qaatay kooxahaasi in ka badan 5-sano.
Goballada bari ee dhulkaย Puntland gaar ahaan qandalla ayuu ka soo dagaalamay balse mar dambe oo ay kooxdu u soo wakiilatay dhibaateynta shacabka ku dhaqan Shabeelaha -Hoose iyo Benaadir ayaa ย waxa isaga oo ku jira dhagridda shacabka weliba ku mashquulsan qarxinta miino ay ku aaseen wada-da dhinaceeda, ย ย ย ย waxa ay ciidamada amniga ka soo qabteen halka loo yaqaano Bood-boodkaย oo ah degmada Afgoโe ee gobalka shabeelaha hoose.