Daawda Duumada looga  hortagayo oo la soo saaray

Date:

Dawadan looga hortagayo cudurka duumada waa dawadii ugu horreysay oo mudda 60 sana lagu ansixiyo, iyada oo raja aad u wanaagsan ay ka muujiyeen hay’do ku sugan dalka Mareykanka.

Daawadan ayaa ah mid gabi ahaanba joojineyso soo noqnoqshada cudurka kaneecada, iyada oo ay cudurka duumada sanad walba ay u dhintaan dad ka badan 8.5 milyan oo qof oo dunida daafaheeda ku nool.

Kaneecada ayaa ah mid la dagaallankeeda ay adag tahay maadaamaa ay awood u leedahay iney Beerka ku sii jirto muddo sanad ah xataa haddii dawadeeda la qaato iyada oo weliba qofka aanan marar badan ku soo noqon ama aan qaban.

Dawadan cusub ee la yidhahdo tafenoquine ayaa waxay saynisyahannadu ku tilmaameen “guul aan caadi ahayn oo la gaaray”.

Hadda caalamka oo dhan waxay isha ku hayaan dawadan iyaga oo weliba dadkooda ku talinaya iney qaataan dawada marka ay soo gaarto.

Dawada oo hadda dalka Mareykanka laga ansixiyey waxay si buuxda caalamka oo dhan uga dhaqan galeysaa markay si buuxda ay u ansixiso hay’adda caafimaadka adduunka (WHO), iyada oo la filayo in 6-da bilood ee soo socota waddamada caalamka oo dhan gaar ahaanna kuwa kaneecada ay ku badan tahay la gaarsiiy.

Cudurka Duumada ayaa waxaa sanad walba uu ku dhacaa Malaayiin qof oo ku nool dunida daafaheeda, qaar badan oo ka mid ah ayaana u geeriyooda, dalkeenna Soomaaliya wuxuu ka mid yahay dalalka uu cudurka Duumada uu faraha ba’an ku hayo, gaar ahaan deegaannada ku teedsan Wabiyada Shabeelle iyo Jubba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto...

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....