Wajiga Sadexaad ee Tababar ay ka qeyb galayaan suxufiyiin ka socda Dowladda Dhexe iyo Dowlad-goboleedyada oo ka furmay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV) –Siminaarkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta oo ahaa wajigigiisi Sedexaad ee loo qabto warbaahinada Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbland ayaa inta uu socdo lagu baran doonaa sida loo mideyn karo wadda shaqeynta warbaahineed iyo u adeegidda Bulshada, tabinta Arrimaha doorashooyinka iyo ka shaqeynta wararka amaanka wadanka la xariira.

Staf Turner oo ah lataliye sarre oo dhanka warbaahinta ah hadana ka mid ah macalimiinta casharadda tababaran bixinaya ayaa sharaxay waxyaabaha lagu baranayo siminaarkan.

Cabdiraxmaan Yuusuf sheikh (Al-Cadaala) agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sheegey iney muhiim tahay wadda shaqeynta warbaahinada Dowlada Dhexe iyo Dowlad-goboleedyada dalka .

Tababarkan ayaa xiritaan u noqon doono laba tababar oo hore oo ka qeyb galayaasha loogu soo qabtay magaalooyinka Kismaanyo iyo Baydhabo, waxaana uu muhiim u yahay Radiyo kismaanyo, Radio Baydhabo iyo Radio Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...