Guddiga Taakuleynta iyo wacyigelinta Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo gaaray Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Africa

Date:

Johannesbburg-(SNTV)-Wafdi ka socda guddiga taakuleynta iyo wacyigalinta ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo ka koobnaa Saddax xubnood oo kala ah Duuliye Sare; Asli Xasan Cabaade, Wariye; Muno  Shukri Gaala Eri iyo Cabdulaahi Cali baar Xoosh ayaa gaaray Maagaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Africa.

Duuliye; Asli Xasan Cabaade oo la hadashay warbaahinta qarranka ayaa sheegtay in shacabka Soomaaliyeed masuuliyad weyn ay ka saaran tahay Taakuleynta Ciidankooda qaranka,wacyigalinta dadweynaha ay u yimaadeen dalkaan Koonfur Africa.

Wariye Muno Shukri Gaal Eri oo ka mid ah aheyd wariyayaashii hore ee soo maray telefishinka qaranka Soomaaliyeed hadana ka mid ah guddiga taakuleynta iy wacyigalinta ciidanka Qaranka oo dhankeeda warbaahinta la hadashay ayaa xustay in imaantinkooda dalkaan uu yahay baraarujinta bulshada si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo ay u dhameystiran yahay qalabkiisa.

Wafdigaan ayaa malmaha uu joogo magaalada Johannesburg ee dalkaan Koonfu Africa waxaa uu la kulmi doona qeybaha kala duwan ee bulshada ayaga oo sido kale kulan guud la qaadan doona  jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaan sida uu warbaahinta qaranka u sheegay Cabdilaahi Calibaar Xoosh oo guddiga ka tirsan.

Si kastaba ha ahaatee dalkaan Koonfur Africa ayaa waxaa ku nool Soomaalida badan oo ganacsto ah kuwaa oo ka qeyb qaata horumarka iyo dib u dhiska dalka Maanta looga fadhiyo in ay qeyb ka noqdaan taakuleynta ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Abdullahi Maxaamuud Amiin.

C/laahi Qorshe.

Johannesbburg-Koonfur Africa

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...