Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida oo eedeysanayaal xukuntay

Date:

Muqdisho (SNTV)-Iyadoo tira dhowr jeer ah ay Maxkamadda Darajada, 1-aad u fariisatay eedda loo heysto 18-qof oo ka tirsan Guutada 14ka October ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xilli hore oo maanta ah ay Maxkamadda D, 1-aad go’aan ka soo saartay dacwadda ka dhanka ah eedeysanayaasha.
Dable Xoogga dalka:- Xuseen Baashi Cawad Canshuur, C/wali Ibraahim Max’d Xasan, Sharmarke Cabdi Max’d Nuur, Ismaaciil Saciid Muuse Xiir, C/wali Faarax Ismaaciil Max’ud, C/shakuur Max’d Xirsi Cali, Fatxi Aadan Cali Yuusuf, Jaaamac Cabdullahi Max’ud Cige, C/kaafi Max’d Diiriye Farweyne, Max’d Axm’d Dhalac Cabdi, C/nuur Cabdullaahi Max’d Cabdi, C/raxmaan Xirsi C/raxmaan Ciise, Daahir Max’ud Gurxan Cali, Ax’d Jaamac Siid Cali, Cabdi Xasan Max’ud jaamac, Jamaal Cabdi Jaamac Cilmi, Cali Max’d Abyan Cilmi iyo Yuusuf Saxardiid Yuusuf jaamac.
Maxkamadda ayaa ku xukuntay 5-sano oo xabsi ciidan ah keddib markii ay ku cadaatay in si wada jir ah uga qeyb qaateen abaabullo qabyaaladeysan iyo kicinta shoobaro ciidanka dhexdiisa ah, waxa ayna si usku mid ah u diideen amarka taliyahooda oo uu wehliyo abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Sooomalaiyeed- sida uu u sheegay G/dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Adan (Wabiyow) oo ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda Darajada 1-aad dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay go’aanka Maxkamadda.
Eedeysanayaasha ayaa u doodayay 13-ka tirsan guutada 14-ka October oo horay loo ruqseeyay kuwaasi oo xilli ramadan ah isticmaalay Maandooriye markii hore ka mamnuuc ah ciidankan shuruudaha looga mid noqonayo.
Guutada 14-ka October ayaa ku yimid baaqa madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya keddib dhacdadii xasuuqa aheyd ee argagixisada ka geysteen isgoyska Ex, Soobe oo loogu magac daray 14-ka October, waxa ay guutadan ka mid tahay ciidamada sida gaarka ah ay dadka Soomaaliyeed ugu faani karaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf Qaran guddoonsiiyey dhiggiisa dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka,...

Wasaaradda Beeraha oo Magacaabay Guddiga xog-ururin ku soo sameeya Suuqyada Khudaarta soo dhoofiya.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa magacaawday guddi shaqo oo...