Wasiirka Amniga XFS oo Muqdisho ka furay shirka dardar gelinta Howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Date:

Muqdisho(SNTV);- Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka saddex billaha ee isku xirka howlaha Xafiisyada Hay’adda ee Laamaha Gobollada,safaaradaha iyo xarunta dhexe.

Shirkan ayaa waxaa lagu marti qaaday Hay’addaha kale ee Dowladda sida Taliska Booliska, Maamulka Gobolka Banaadir, Mareeyaha Garoonka Adan Cadde, Ururada Bulshada iyo Dhalinyarada.

Muhiimada shirka ayaa ahaa isku xirka howlaha ka socda xafiisyada Hay’adda iyo sidoo kale hagaajinta wada shaqeynta kala dhaxeysa hay’adaha kale ee Dowladda.

Wasiirka amniga ayaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ku ammaanay shaqada wanaagsan oo ay bulshada u hayaan, islamarkaana kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan, sido kale waxa uu sheegay wasiirka in dhawaan Golaha Wasiirada la horgeyn doono Sharciga Socdaalka Dalka oo ay hadda ku howlan tahay diyaarintiisa Hay’adda Socdaalka.

Shirka ayaa warbixino looga dhageystay wixii u qabsoonmay saddaxdii bilood ee la soo dhaafay agaasimayaasha waaxyaha Hay’adda iyo Agaasimayaasha laamaha ay hay’addu ku leedahay Dowlad Gobolleedyada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr....

Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirrada Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta...