Wasiirka Amniga gudaha XFS oo tababar u furay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho (SNTV), Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” , ayaa maanta tababar u furay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska.

Munaasabadda Tababarka loogu furayey Saraakiishaan, ayaa waxaa ku sugnaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac “Keynaan” , Taliye ku xiggeenka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka iyo Masuuliyiin kale.

Saraakiisha dhalinyarada ah ee maanta tababar loo furay, ayaa Ciidanka Booliska waxay kusoo biireen dhowaan, waxaana lagu qaatay Heerarkooda Waxbarasho, iyaddoo Tababarkaan lagu barayo sida uu shaqeeyaan Ciidanka Booliska iyo Sharuucda Booliska Aduunka.

Casharada lagu qaadanayo Tababarkaan, ayaa waxaa bixin doona Madaxda Hoggaanada Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana hoggaan walbo uu bixin doonnaa shaqooyinka u gaarka ah ee uu qabto.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” , ayaa Saraakiisha dhalinyarada ah ee Maanta tababarka loo furay kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan Casharada la siinayo, isaggoo xusay in tababarada noocaan oo kale ah la kordhin doono, si sare loogu qaado Aqoonta Ciidanka Booliska.

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow, ayaa sheegay in tababarkaan muhiim uu yahay saraakiisha dhalinyarada ah, maadaama ay wax badan ka kororsanayaan, waxaana Taliska Ciidanka Booliska uu ku ammaanay dadaalka ay galinayaan sare u qaadista aqoonta Ciidanka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...