Warbaahinnada Dowladaha Soomaaliya Iyo Djibouti oo Iskaashi Yeelanaya

Date:

Jabuuti:ย Wafdi ka socday Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee wasaaradda C/raxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala ayaa ku sugan magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Djibouti kadib markii ay marti qaad rasmi ah ka heleen Agaasimaha guud ee Raadiyaha iyo Telefishinka Djibouti RTDย  C/qaadir Axmed Idiris.

Wafdigan ayaa saakay kulan la qaatay masโ€™uuliyiinta ugu sareysa RTD waxaana ay ka wada hadleen abuurista jawi iskaashi iyo wada shaqeyn walaaltinimo ku dhisan kaasi oo dhexmari doona Warbaahinnada dowladaha Soomaaliya iyo Djibouti .

Agaasimaha Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya C/fataax Daahir Jayte oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Jamhuuriyadda Jabuuti taageerrada walaaltinimo ee ay horey u siiyeen Radio Muqdisho taasi oo aheyd mid qalabeed sanadkii 2010 islamarkaana hada ay diyaar u yihiin dhankooda Radio Muqdisho iyo SNTV iney iskaashi shaqo la yeeshaan dhigooda RTD.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala oo dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyey maamulka sare ee RTD marti qaadka ay u sameeyeen wafdigiisa iyo sida loosoo dhaweeyey waxaana uu ka hadlay waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay iska kaashan karaan labada warbaahin dowladeed oo ay ugu sii horeyso qibrad is weeydaarsiga labada dhinac iyo is taageeridooda.

Agaasimaha guud ee Raadiyaha iyo Telefishinka Djibouti RTD C/qaadir Axmed Idiris oo kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyey wafdiga uu agaasimaha guud hogaaminayo sida ay uga soo jawaabeen casuumaada ay u fidiyeen waxaana uu dhankiisa ka hadlay muhiimada uu leeyahay iskaashi dhexmara warbaahinnada dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti.

Kulanka waxaa ku sugnaa injineero ka kala tirsan labada Warbaahin dowladeed waxaana kulanka kadib ay wafdigu kormeereen qeybaha kala duwan ee ay ku shaqeeyaan Raadiyaha iyo Telefishinka Djibouti.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...