Tababarka Waxbarsahda Madaniga ee dib-u-eegista Dastuurka oo Garoowe ku soo xirmay

Date:

Garoowe-(SNTV)-Waxaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland ku soo gabagaboobay Tababarka Tababarayaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka oo socday muddo afar maalin ah.

Tababarka oo ay ka soo qeybgaleen xubno katirsan Hay’adaha Dowlad Goboleedka Puntlad iyo Bulshada Rayidka Puntland ayaa looga gonlahaa in wacyiga dadweynaha ee ku aadan dib-u-eegista Dastuurka kor loo qaado.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Puntland Yuusuf Ibraahim Saalax oo xiritaankii tababarka ka hadlay ayaa ballanqaaday in tababarka ay gaarsiin doonaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee ku dhaqan deegaanada Puntland.

Ugu dambayn, Xamse Cabdi Barre oo kamid ah La-taliyayaasha Sare ee Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee DFS oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Wasaaradda Dastuurka ee DFS ay ka go’antahay in dhamaan dadka Soomaaliyeed loo sahlo sidii ay uga qeybgeli lahaayeen Ololaha dib-u-eegista Dastuurka, tababarkana uu yahay mid bulshada u sahlaya ka qeybqaadashada dib-u-eegista Dastuurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad,...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...