Madaxweyne Farmaajo โ€œXorriyadda aan maanta ku naalooneyno waa mid lagu soo bixiyay dhiig iyo dhaqaale

Date:

Muqdisho(SNTV);โ€“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan sannad guurada 58-aad ee ka soo wareegatay maalintii xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka, islmarkaana dhul Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay calan Soomaaliyeed, u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in masuuliyad weyn ay ka saarantahay qof kasta oo Soomaali ah xaqiijinta hiigsiga soojireenka ah ee ku qotoma Soomaali xor ah oo mideeysan.

Madaxweynaha oo caawa khudbad ka jeediyay munaasabad lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa yiri โ€œXorriyadda aan maanta ku naalooneyno waa mid lagu soo bixiyay dhiig iyo dhaqaale. Maanta waxaan joognaa guul taasoo kasoo bilaabatay 1960kii markii ay waqooyi iyo koonfur isku darsameen. Guushaas waxay ahayd mid ummadda u horseeday Soomaalinimo iyo midnimo.โ€

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku ammaanay shacabka Gobollada Waqooyi kaalinta lama ilaawaanka ah ee ay ku lahaayeen gobonnimo doonkii iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dareenkaas midnimo iyo wada jireed uu ku dhex noolyahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, inkastoo duruufo adag ay soo mareen, wuxuuna adkeeyay in qabyaaladda iyo daneysiga looga adkaan karo in la muujiyo waddaniyad iyo wadajir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...