Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay dhiggiisa Norway

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, oo ku sugan magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalkaasi, Erna Solberg.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa kawada hadlay adkeynta Xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway, horumarka, maal-gashiga, kobcinta dhaqaalaha, iyo taageerada hay’adaha amniga Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa u sheegay dhiggiisa dalka Norway, Erna Solberg in Dowladda Soomaaliya ay horumar ka sameysay siyaasadda, dhaqaalaha, la dagaallanka musuq-maasuqa isaga oo ka codsaday Dowladda Norway in taageero ballaaran ay la garab istaagto Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Erna Solberg ayaa soo dhaweysay horumarrada Baaxadda leh ee Soomaaliya ay ku tilaabsaneyso, waxa ayna shaaca ka qaaday in Norway ay ka go’antahay garab istaagga Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa dhanka kale kulan la qaatay wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dalka Norway Nikolai Astrup isaga oo kulamo looga hadlay qorshayaal muhiim u ah shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed horay ula yeeshay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Wasiirka arrimaha dibadda Norway iyo agaasimaha Xarunta Wadatashiga arimaha Bini’aadninimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...

Guddoomiyaha BFS oo dhambaal hambalyo ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...