Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo ka Hadlay Muhiimmadda ay Leedahay Dejinta Siyaasadda Daryeelka Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Date:

Muqdisho, June 20, 2018 – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed ( Khader) oo maanta furay Mashruuca taageerada horumarka iyo dhaqan gelinta siyaasado lagu Daryeealyo Qaxootiga dalka kusoo laabanaya iyo Barakacaasha gudaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga wada tashado sidii xal waara loogu heli lahaa siyaasad mideysanna looga yeelan lahaa arimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha.

“Qof kasta oo Soomaali ah waxa uu noqday Qaxooti ama Barakece. Waa fududdahay in dhibkii kugu dhacay aad ka hadasho kadibna aad qeyb ka noqoto xalka iyo sida loogu heli karo siyaasadda ugu habboon ee daryeelka Baracayaasha iyo qaxootiga soo laabanaya”, ayuu yiri ku-simaha Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuummadda ayaa sheegay in ay sameynta siyaasadda ay saldhig u yihiin Dawlad gobaleedyada iyo maamulka Gobalka Banaadir maadaama barakacayaashu ay kula suganyihiin goballada dalka, Qaxootiga soo laabanaya ay deegaansanayaan goballada.

Waxa uu sheegay ku-simaha Ra’iisul Wasaaruhu in Colaadaha, Abaaraha iyo Daadadku ay kamid yihiin Sababaha keena Barakaca, ayna tahay in qorshaha lagu daro sidii loo yareyn lahaa dhamaan waxyaabaha laga dhaxlo barakaca.

“Siyaasadda Daryeelka Barakacayaasha iyo Qaxootiga kusoo laabanaya dalka waa Masuuliyad qaranka Saaran si gaar ahna u saaran Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir. Waa laga maarmaan in aan isla fahamno daryeelka, xuquuda iyo waxyaabaha aasaasiga u ah”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya.

Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa sheegay in Ku dhawaad 2.6 milyan oo Soomaali ah ay barakac ku yihiin gudaha dalka sidoo kale 1.1 milyan oo Qaxooti Soomaaliyeed ah ay ku suganyihiin guud ahaan caalamka ayna lagama maarmaan tahay in siyaasadda lagu daryaalayo la meel mariyo si tacaddiyada ay la kulmaan meesha looga saaro.

—DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud...

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...