Itoobiya oo mar kale Gogol nabadeed u fidisay Dowladda iyo mucaaradka koofurta Suudaan

Date:

Addis Ababa-(SNTV)-Madaxweynaha Koofurta Suudaan,Salva Kiir iyo hoggaamiyaha mucaaradka Dalkaasi , Riek Machar , ayaa Maanta oo Arbaca ah gaaray Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Dalka Itoobiya.

Socdaalka Labada Nin ayaa yimi markii uu Gogol nabadeed u fidiyay Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed Cali, si loo soo gabagabeeyo colaad sokeeye oo tan iyo Sanaddii 2013-kii ka aloosnayd Koofurta Suudaan, taasoo galaafatay nolosha Tobanaan Kun oo Qof.

Meles Alem, oo ah Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Itoobiya ayaa sheegay in uu hoggaamiyaha mucaaradka Koofur Suudaan, Riek Machar la kulmi doono Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, ka hor intuusan furmin wada xaajoodka uu la geli doono Madaxweyne Salva Kiir.

Riek Machar, oo tan iyo 2016-kii Xabsi Guri ku ahaa Dalka Koofur Afrika markii uu kasoo baxsaday Dalkiisa ayaa wuxuu haatan diyaar u yahay in lasoo afjaro colaad sokeeye oo Shantii Sana ee ugu dambaysay ka taagnayd Koofurta Suudaan, sida uu sheegay Afhayeenkiisa oo lagu Magacaabo Lam Paul Gabriel.

August 17, 2015  ayay ahayd markii uu bur-buray heshiis ay Labada dhinac ku yeesheen Magaalada Addis Ababa, kaasoo sababay Gacan ka hadal dhaliyay dagaallo lagu riiqmay oo saamayn ba’anna ku yeeshay Dadka Shacabka.

Isha/ The Star

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...