Danjire Faqi “Soomaaliya wax wadahadal ah kama galayso Dacwadda Badda”

Date:

Muqdisho (SNTV) Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Saciid Faqi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegaya in dhageysiga dacwadda Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ay billaabaneyso sanadka 2019.

Maxkamadda ayaa iyadu sitoos ah dacwadda u dhageysandoonta sida uu sheegay Ambassador Cali Saciid Fiqi oo Soomaaliya u qaabilsan wadamada Yurub.

Danjire Faqi ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaaliya horay isaga diiday inay heshiis hoose oo arrinta badda lagu xalinayo wadagaan Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya sidaasna uu amar ku bixiyey Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu jawaab ka bixisay falcelin ay horay Maxkamadda u gudbisay Dowladda Kenya balse waxaa haatan kaliya laga sugayaa Maxkamadda inay ku dhawaaqdo xiliga ay dacwadda sidda taas ah u qaadeyso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...