Soomaaliya oo maanta si dhammeystiran u maamulaneysa Hawadeeda

Date:

Xarunta maamulka Hawada ayaa maanta gelinkii dambe ย si rasmi ah loogu dhammeystiray maamulidda Hawada dalka, waxaa la soo wareejiyey ย qalabkii iyo shaqaalihii ka harsanaa dhammeystirka maamulka Hawada.

Maxamed Cabdullaahi Oomaar wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxa uu goob-joog ka ahaa madashan kaddibna si ramsi ah ayuu u furay maamulka dhammeystiran ee Hawada dalka.

Avireo Lopez waa madasha howlgelinta heyโ€™adda ICOA waxa uu muujiyey in 27-sanno kaddib ay muuqato isku filnaansho Soomaaliya ay ย ka gaarta dhinaca maamulka Hawada, waxa uu intaa raaciyey in ย tani ay wadddo cusub u furi doonto wijiga Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa xaqiijiyey in si dhammeystiran loo howlgaliyey qalabka maamulka Hawada dalka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa rumeysan oo kalsooni ku qaba in shaqaalaha maamula Hawada ee Muqdisho loo soo wareejiyey ay ku filan yihiin maamulidda Qalabka si buuxda loo furay hadda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...