Daraasiin dad ah oo Kooxda Arxanka daran B.Haram dishay.

Date:

Muqdisho (sntv) Ugu yaraan 31 qof ayaa lagu dilay labo weerar oo is-miidaamin ah kaasi oo ay kooxda Boko Haram ku qaaday deegaanka waqooyi bari ee gobolka Borno State.

Labo weerar oo lala eegtay meel dhismo ah oo lagu magacaabo Damboa oo ay dowladda Nigeria ku leedahay gobolka Borno ayaa kooxda Arxanka daran waxa ay la beegsatay dad kasoo laabtay ka qayb galka munaasabadda Ciidul Fidriga habeennimadii sabtida.

Kooxda arxanka daran ee Boko Haram ayaa garneeylo ku riday meel ay dadku isagu soo xoomeen oo kutaala halka qaraxyada lala beegsaday, halkaasi oo ay dhaawacyo badan ka dhasheen, sida uu AFP u sheegay Babakura oo ka tirsan xafiiska iskuxiraha ciidamada iyo dadka rayidka ee maleeshiyaadka taageeraya militariga iyo kuwa ammaanka.

Weli majirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, balse Kooxda Boko Haram ayaa loo aaneeynayaa weeraro argagaxiso oo ay ka geeysato gudaha dalka Nigeria muddo kudhow toban sanadood.

Sabtidii ayay ahayd markii ay xarumaha dowladda hoose ee degmooyinka Shuwari iyo Abachari lala eegtay qaraxyo, deegaannadaasi oo masaafo 90km ujira magaalada Maiduguri.

Kooxdan ayaa si khaldan sheegta ama u tarjumta in “Waxbarashada reer Galbeedku tahay mamnuuc”.

In ka badan 20,000 oo qof ayaa lagu dilay iyadoo in ka badan labo milyan oo qof lagu qasbay in ay ka cararaan guryahooda 2009-kii, xiligaasi oo ay kooxda arxanka daran ee mintidka ahi ay ku dhaqaaqday olole ay weeraro bambaano kula eegatay masaajidyo, goobaha suuqyada iyo xeryo ay ku nool yihiin dadka soo barakacay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc lagu xoojinayo ka Jawaabidda masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...