Ciidamada Haftar oo weeraray meelihii lagala wareegay ee Ras Lanuf & Al-Sidra ee keydinta saliidda Libya

Date:

Muqdisho (sntv) Ciidamada iskood isagu magacaabay kuwa Qaranka ee Libya ee loo soo gaabiyo LNA) oo daacadda u ah Jeneraalka Mucaaradka ah ee Khalifa Haftar.

Ciidamada Haftar ayaa ku dhawaaqay dagaal xooggan kadib markii ay gacantooda ka baxday deegaannada Ras Lanuf iyo Al-Sidra oo 650 kilomitir dhinaca bari kaga beegan magaalada Tripoli ee caasimadda Libya, deegaannadani oo gacanta u galay kooxo hubeeysan oo weeraray halkaasi.

Ciidamada Haftar ayaa gacanta ku hayay deegaannada bari Libya waxaana ay kasoo horjeedaan dowladdu caalamku aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay magaalada Tripoli oo iyaduna cambaareeysay weerada ay qaadeen maleeshiyaadka.

Ibrahim Jadhran, oo madax ka ah illaalada keydka petroolka ee magaalooyinka Ras Lanuf iyo Al-Sidra, ayaa ku sheegay muuqaal inuu la bahoobay isbahaysiga si dib loogu qabsado keydka shidaalka oo bishii September 2016-kii ay qabsadeen ciidamada daacadda u ah Jeneraal Khaliifa Haftar.

Mr. Jadhran ayaa muddo afar sano ah gacanta ku hayay haamanka keydka shidaalka wixii kadambeeyay 2011-kii waagaasi oo xilka laga tuuray lana dilay hogaamiyihii Libya Col Mucammar Al-Qaddaafi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...