Baaddii Ganacsatada waxaa u bedelay 8-sano oo Xabsi Ciidan ah.

Date:

Muqdisho (SNTV)- Sanada badan ayaa Soomaaliya waxaa ka jiray in dadka laga handado (Private Number) Nambarka Qarsoon, waxaana dad badani ay ku qasabtay in ay isaga cararaan dalka halka kuwa kalane ay u hugaansameyn in laga qaado baad iyagoo loo sheeganayo Ururadii dalka ka jiray gaar ahaan kan Al-shabaab.

Mar dambe ayaa arrinta (Private Number) joogsatay wallow ay jirtay in dadka laga soo wici jiray Numbarro caadi ah kuwaasi oo lagu fari jiray in loo yeerro ama looga qaado baad.

Arrintaasi iyagoo ka duulaya Heyโ€™adaha Ammaanka ayay gacanta ku soo dhigeen Cabdi Xasan Dhuxuloow oo in mudda ah dadka ku baadi jiray wicitaanka teleefoonka, waxaana lagu soo qabtay isagoo Maamo Soomaaliyeed ku handadayo teleefoon weydiistayna in ay bixiso lacag, waxa ayna aqbashay in ay bixiso lacago ilaa tira seddax jeer ah.

Markii dambe ayay goโ€™aansatay in ay iska diido wicitaanka Cabdi Xasan Dhuxuloow, waxa uuna u sheegay Maamada ย hadiiย  aysan dhiibin lacagaha uu ka rabo in uu dili doono wiilal dhalinyara ah oo ay dhashay, sidii horeyba loogu dilay aabahoodย  sanad ka hor.

Maamada Soomaaliyeed ayaa goโ€™aansatay in ay ku war geliso heyโ€™adaha Ammaanka, waxa ayna la xiriirtay ciidamada amniga.

Ciidamada amniga oo ka duulayo wal-walka Maamada Soomaaliyeed iyo dhacca lagu hayo ganacsatada ย ayaa daba gal ku sameeyay teleefoonka Cabdi Xasan Dhuxuloow oo ku baadi jiray maamada Soomaaliyeed, waxaana Ciidamada Amniga U suura gashay in ay gacanka ku soo dhigeen Cabdi Xasan Dhuxuloow oo lahaa Fikradda baadda iyo handadaadda.

Heyโ€™adaha dambi baarista ayaa u soo gudbiyay Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Eedda loo heysto Cabdi Xasan Dhuxuloow.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ogolaatay dhageysiga dacawadda ka dhanka ah Cabdi Xasan Dhuxuloow oo lala soo qabtay laba shaqsi mid dumar ay tahay, kuwaasi oo iyaga laftooda mid kamid ah damiin uu ka ahaa nambarka lagu baaadi jiray Maamada Soomaaliyeed.

Dhuxuloow ayaa sheegay in uu in mudda ah ku shaqeysan jiray in uu teleefoonada dadka ka handado isagoo sheeganayo Al-shabaab, waxaana intii ay socotay dacwadda ka dhanka ah sidoo kale xafiiska xeer ilaalinta ay soo bandhigeen Maamo Soomaaliyeed oo naxadin ay ka qaaday handadaadda Dhuxuloow u jiifta sariir iyadoo miirkii ka tegay.

Qareenka difaacayay eedeysanaha ayaaย  ka codsaday Garsoora-yeesha in loo naxariisto eedeysanaha oo ay ku sheegeen in ay baahi uย  geysatay.

Garsoorayaasha oo eegaya Dambiga dhacca ah, handadaadda sababtay Miir-daboolka, iyo cadeymaha ay kamid yihiin wareejintii lacagta, Cod laga duubay eedeysanaha, Qiraalkiisa, nambaradii lagu diri jiray lacagta iyo Maaamadii dhibbana aheyd ee garsoorka hortiisa ka caddeysay dhibka lagu hayay ย ayaa goโ€™aan ku gaareen ย In lagu xukumo Cabdi Xasan Dhuxuloow 8-sano oo Xabsi ah iyadoo sidoo kale Maxkmadda dib ugu celisay lacagtii maamada dhibanaha aheyd laga baaday sida uu u sheegay warbaahinta Garsoor Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa warbaahinta u sheegay ย ganacsatada Soomaaliyeed in aysan bixin lacagaha baadda ah siโ€™ aan loo dhiiri gelin dambiyada, waxa uuna ka dalbaday in ay la xiriiraan heyโ€™adaha amniga si loo mariyo ciqaabaha sharciga.

Maxkamadda ayaa sii deysay labada shaqsi ee kale, waxaana sidaas lagu soo gaba-gabeeyayย  Shabakad aan iska war heyn oo dadka ku dhici jiray Teleefannada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale