Ra’iisul Wasaare Khayre oo ummadda Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Ciidul-Fidriga

Date:

Muqdisho (SNTV), June 14, 2018— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Munaasabadda Ciidul-Firdiga ugu Hambalyeeyay dhammaan Muslimiinta gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed ee soo dhameystay bisha Barakeysan ee Ramadaan, isaga oo u rajeeyay in Allah uu ka aqbalo acmaasha Soonka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hambalyo taa lamid ah u diray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed gaar ahaan ciidamada Sugayay amniga caasimadda ee suurageliyay in bisha Barakeysan ee Ramadaan si nabad ah looga soomo caasimadda dalka.

“Waxa aan Hambalyo u dirayaa Muslimiinta oo dhan gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed oo aan la wadaagayo farxadda Munaasabadda Ciidul-Firdiga. Waxa aan sidoo kale hambalyeynayaa una mahadcelinayaa ciidanka qalabka Sida ee Soomaaliyeed si gaar ah ciidanka sugidda amniga caasimadda oo suura geliyay in si nabad ah lagu dhameysto bisha Barakeysan ee Ramadaan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed u rajeeyay in sanadka danbe ay ku gaaraan barwaaqo iyo horumar.

Bisha Ramadaan ee dhamaatay ayaa noqoneysa bishii ugu horeysay ee si nabad ah looga Soomo caasimadda Dalka Taariikhda dhaw, iyada oo arintaas amaanteeda ay leeyihiin laamaha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed ee iska kaashaday sugidda amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...