Rag loo heysto in ay abaabuleen rabashadii Sababtay in la bili-li-qeysto dugsiga Jen Gordan oo Maxkamadd Ciidamada Xukunno kala duwan ku riday.

Date:

Muqdisho (SNTV)– Xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku soo eedeeyay 15-shaqsi oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ย gaar ahaan kuwa ka mid ah Ciidamadii horey u taba-bareen Imaaraadka in ay abaabuleen dhac loo geystoย  keydka dugsiga oo ay ku jireen agabka ciidamada.

Eedeysanayaasha ayaa ahaa saraakiil xigeenada dugsiga iyo bare ka mid ahaa saraakiisha ciidamada ay dowladda Imaaraadka ugu tala gashay in uu barro xirfadda Ciidamada ay ku taba-bari jireen dugsigaย  Jen, Gordan.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda hor keenay markaatiyaal ka mid ahย  ciidamada & saraakiisha kale ee ku jiray dugsiga, sidoo kale Maxkamadda ayaa dhageystay eedeysanayaasha oo iyaga laftooda la weydiiyay dambiyada ay galeen jiritaankooda.

Qareenada u doodayay eedeysanayaasha ayaa ku dooday in raggan kaliya aan loo ciqaabin dambiyada ay soo jeediyeen xafiiska xeer ilaalinta, waxa ayna sheegeen in abaabulka dambiyada loo heysto ay ka weyn-tahay eedeysanayaasha, sidaas darteed ayay ka codsadeenย  garsoorayaasha Maxkamadda in loo naxariistoย  isla markaana la siiyo xurriyadooda.

Maxkamadda oo tix gelineysa cadeymihii horey looga qoray Eedeysanayaasha, Markaatiyaasha iyo Gal-dacwadeedka ย ย la horkeenay Maxkamadda ayaa goโ€™aan ku gaaratay xukunnada kala ah ;-

โ€œSeddax Alifle Xoogga dalka Yaasiin Ibraahim Aadan hal-sano oo xabsi Ciidan ah

Maxammed Cabdi Sabriye oo shacab ah hal-sano oo xabsi Ciidan ah.

Halka 5-ta kale oo iyagana isku daraja ah lagu wada xukumay 6-bil oo Xabsi Ciidan ah.

Maqanayaal kale oo uu ku jiro Macalimkii dugsiga lagu wada xukumay 5-sano oo xabsi ciidan ah.

Waxa ayna kala yihiin;-

Seddax Alifle Xoogga dalka Ismaaciil Abuukar Muudey, Cali Maxammed Xasan, Qaaasim Ibraahim Aadan, Xuseen Maxammed Cusmaan, Maxamuud Muuse Yuusufโ€- sida uu u sheegay warbaahinta Garsoorย ย  Col Xasan Cabdiraxmaan Aadan ย Wabiyow oo kamid ah Garsoorayaasha ย Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Maxkamadda ayaa sii deysayย  ย Cabdullaahi Xasan Diiriyeย  oo ahaa shacab da’diisu ay yartahay.

Col Xasan Cabdiraxmaan Aadan ย Wabiyow ayaaย  sidoo kale sheegay inย  ciddii aan ku qanacsaneen xukunka ay u furantahay Racfaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kursiga lambarkiisu ahaa GSH 248 oo la buuxiyay

Dhuusamareeb, Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) ayaa loo doortay xildhibaan...

SoDMA oo gargaar gaarsiisay deegaanno ka tirsan Shabeellada dhexe

Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa gargaar baniโ€™aadannimo oo...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ฎ ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐—๐…๐’, ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐ž...