Eng. Yarisow oo Boggaadiyey Dardarta ay ku socdaan howllaha Doorashooyinka 2020.

Date:

Muqdisho, 10 June 2018 – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maanta soo xiray shir labo maalin soconayay oo looga hadlayay sidii bulshada Soomaaliyeed loo bari lahaa Habka codeynta Doorashooyinka oo soo qaban-qaabiyey Guddiga doorashooyinka Dalka ayaa boggaadiyey dardarta ay ku socoto u diyaar garowga doorashooyinka 2020.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa sheegtay in Qorshaha Istaratiijiga ah ee bulshada lagu barayo habka codeynta iyo shuruucda Doorashooyinka uu sal u noqon doonno howlaha uu wado Guddiga, isla markaanan uu bixin doono waddo lagu hirgeliyo nidaam huffan si loo helo doorasho la isku halayn karo oo qof iyo codkiisa sanadka 2020.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa rajo ka muujiyay in casharrada, waayo aragnimada iyo aqoonta ay kororsadeen ka qeybgalayaasha ay ka caawin doonto in bulshada Soomaaliyeed la baro nidaamka doorashooyinka, maadaama aysan aqoon u lahayn codeynta isla markaana ay bulshada ku yar yihiin dadka wax qora waxna akhriya, tani oo keenaysa in xili hore la bilaabo barashada hannaanka codeynta.

Mudane Yarisow waxuu sheegay dimoqraadiyadda iyo in tallada dib loogu celiyo shacabka ay kamid tahay ajendayaasha Dawladda dhexe iyo Maamulkiisu ay ku shaqeeyaan, maadaama lagu go’aamiyey in la qabto doorashooyin “Qof iyo Cod” ah sanadka 2020 shirkii Madaxda Qaranka, Maamul Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir ee dhowaan ka dhacay Baydhabo loogana fadhiyo guddiga in ay howshaas dar-dargeeliyaan.

“Waxaan idin kaga mahadcelinayaa shaqooyinka muhiimka ah ee aad u haysaan bulshada Soomaaliyeed, bacdamaa lagu heshiiyey in sanadka 2020 ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah shaqada ugu badan ee arrintaas lagu hirgelinayo hortiina ayay taallaa, anaguna waxaan diyaar u nahay wixii tallo iyo tusaaale aad nooga baahan tihiin.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho oo ka hadlayay munaasabadda xiritaanka.

Eng. Yarisow ayaa ugu baaqay Guddiga Doorashooyinka Qaranka in wax walba lagu wajaho sinnaan iyo caddaalad, si kalsooni loo geliyo shacabka Soomaaliyeed iyo dhinacyada doorashada galaya, maadaama laga guurayo nidaamkii horey loogu dhaqmayay 28-kii sanno ee la soo dhaafay. Waxuna dhinaca kale xusay in Maamulka Gobolka Banaadir uu waddo u diyaar garowga doorashooyinka oo ugu horreyso dhismaha Golleyaasha deegaanka Caasimadda, si shacabka u soo doortaan hoggaankooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...