Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo daah furay wadatashiga diyaarinta Buugga waxbaridda cod-bixiyaha iyo wacyi-galinta Arrimaha Doorashooyinka

Date:

Muqdisho (SNTV:-Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta daah furay wadatashiga diyaarinta Buugga waxbaridda cod-bixiyaha iyo wacyi-galinta Arrimaha Doorashooyinka.

Muddo labo malamood ah ayuu socon doonaa wadatashigan ku aadan Diyaarinta Buugga waxbaridda Cod-bixiyaha iyo wacyi-galinta Arrimaha  doorashooyinka waxaana ka qeyb-galayaasha oo ka kala socda Hay’adaha Waxbarashada, Bahda saxaafadda iyo Ururada bulshada rayidka ah ay aragtidooda ku biirinayaan diyaarinta Buugaan iyo sida looga mira dhalin karo wacyi-galinta bulshada ee ku aadan doorashada qof iyo cod ah ee la filayo in dabayaaqada sanadka 2020 dalka ay ka dhacdo.

Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) Gudoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa sheegtay in wacyigalintu tahay qodobka ugu  muhiimsan ee istiraatiijiyadda Guddiga uu leeyahay.

” wadatashigan waxaan u bilaawnay in aragtida bulshada la dhageysto iyo sida manhajka loogu dari karo waxbarashada doorashooyinka ,anaga istiraatiijiyadeena oo ah 7-qodob waxaa ugu humiisan qeybta wacyigalinta waana dardargalin doonaa” sidaas ayay tiri Gudoomiye Xaliimo Yarey

Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo katirsan Golaha shacbka kuna hadleysay magaca xisbiyada siyaasadeed ayaa talaabo hormar ah ku sifeysay in dadka lagu baraarujiyo arrimaha doorashooyinka lana helo wacyigalin arrintaasi ku saabsan

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay shirka waxa uuna  balanqaaday in ka xukuumad ahaan ay Guddiga doorashooyinka qaranka ku garab taagan yihiin hirgalinta doorasho qof iyo cod ah.

Guddiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ku howlan diyaar garow ku aadan in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020 iyadoo dhawaan ay Madaxda Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ku heshiiyeen sida loo wajahayo doorashadaasi.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...