Wasiir Beyleโ€Waxaan u gudubnay Wajigii Sadexaad ee Deyn Cafinta oo aan fileyno inuu noqdo kii ugu dambeeyeyโ€

Date:

Muqdisho (SNTV)ย Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo shir jaraaโ€™id ku qabtay Muqdisho waxa uu faahfaahiyay wixii u qabsoomay bishii tagtay wasaaradda Maaliyadda.

Wasiir Beyle waxa uu sheegay Bankiga dhexe iyo hayโ€™addaย  lacagta Aduunka inay ku qanceen hufnaanta nidaamka maaliyadda dalka, ayna ka gudbeen wajiga labaad ee habka deen cafinta Soomaaliya, isagoo sheegay in iminka ย laguda galay wajigii ugu dambeeyay ee deen cafinta oo ay horyaalaan shuruudo hor leh.

โ€œLaba Arrimood ayaa noo suura galay, waa tan koowaadee waxaan soo gaba gabeynay wajigii labaad oo warqadina ay kasoo baxday la leeyahay Soomaalidu wey kasoo baxeen, waxaa taasi noogu xigay in uu inoo bilowday wajigii sadexaad oo aan fileyno inuu yahay kii ugu dambeeyey oo hadii aan ka gudubno aan kamid noqoneyno aduunyada kaleโ€ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Maaliyadda Soomaaiya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa tilmaamay in hagaajinta maamulka Maaliyadda Soomaaliya ay sababtay in Bankiga aduunka ay sanadkaan ย ugu yaboohaan Soomaaliya ย 140-milyan oo doolar ย halka midowga yurubna ay ku deeqeen 100M.

Wasiirka Maaliyadda waxa uu tilmaamay inay hubinayaan sida ay ku yimaadeen deymaha lagu leeyahay Soomaaliya ayna la xiriireen dalalka deymahaasi sheegtay.

Mideynta canshuur qaadista heyโ€™adaha dowladda oo qeyb ka ahaa sharuudaha deyn cafinta ayaa ka mid ah waxyaabaha wasaaradda maaliyadu ay ku guuleysatay

โ€œShuruudaha ugu adag ee ugu waaweynaa waxa weeyaan inaan kordhino dakhliga wadankeena Gudihiisa kasoo xaroodaโ€ayuu intaasi raaciyey wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirku ย waxa uu intaa ku daray in ciidanka iyo Howl-wadeenada safaaradaha inay hubinayaan inay akoono ku qaataan mushaaraadkooda si loo xaqiijiyo inaan lacago kaash ah gacanta lagu qaadan.

โ€œShantii kun ee ugu horeysay ee ciidankeena kamid ah ayaan Akoono u sameynay inta kalena wey ku xigeysaa, qof waliba oo ciidan ah iyo qof waliba oo shaqaale ah iyo cid waliba oo dowladda wax ka qaadataa waa iney farihiisa meel yaalaan Akoonkiisa wax lagu shubaa arin badan bey xalineysaa taasiโ€ayuu yiri wasiirka.

Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in sidoo kale la ogaan doono safaaradaheena dibadda hadii ay jiraan lacago soo gala iyo halka lagu bixiyo, iyo tirada shaqaalaha ka howlgala safaaradaha Dibadda ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

La-taliyaha Amniga Qaranka: Dowladdu waxay dejisay qorsheyaal lagu wiiqayo khawaarijta

La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin ayaa ka warbixiyay tallaabooyinkii...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Shacabka Soomaaliyeed waa in ay garab istaagaan Dowladda si aan uga guulaysano Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo furay tartan aqooneedka Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa furay...