Ra’iisul Wasaare Khayre oo Caddeeyay in la Joogo Xilligii Awoodda loo soo Celin Lahaa Shacabka Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho, June 09, 2018—-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta ka qeyb galay shir ay Muqdisho ku yeesheen Guddiga madaxa bannnaan ee doorashooyinka qaranka, ayaa sheegay in shaqada dhabta ah ee guddiga ay xilligaan bilaaw tahay, loogana baahanyahay in sida ugu dhaqsaha badan ay kusoo gudbiyaan wadooyinka ugu haboon ee loo marayo doorashada dalkaan ka dheceysa 2020-ka maadaama shirkii Beydhabo lagu qabtay dhawaan lagu oggolaaday oo lagu heshiiyay in doorasho qof iyo cod ah ay dhacdo ka dhacdo Soomaaliya.

Gudoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka, Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ayaa ugu horeyn uga mahad celisay Ra’iisul wasaaraha sida uu guddiga ugu dhiirri geliyo in ay fududeeyaan shaqooyinka la xariira arimaha doorashooyinka, waxa ayna uga warbixisay howlaha ilaa hadda uu qabtay guddigu, iyada oo hoosta ka xariiqday in ay u xayirnaayeen heshiiska oo wax badan uga xirnaayeen hase yeeshee markaan ay wax walba cadyihiin loona baahanyahay in ficil iyo wax qabad loo gudbo.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay danta kaliya ee laga leeyahay doorasho qof iyo cod ah dalkaan ay ka dhacdo in ay tahay in awoodda loosoo celiyo Shacabka iyo in qabiilka looga boxo Axsaab siyaasadeed, waxaas oo dhanna ay suuragal noqonayaan hadii Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranku uu guto waajibaadka ka saaran suura gelinta in dadka Soomaaliyeed ay codeeyaan.

“Waxaa lagu heshiiyay in 2020-ka in ay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. Shaqada dhabta ah hadda ayey u bilaabatay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka. Cudur daar dambe ma jiro. Waa in shacabka loo soo celiyaa awoodda”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare Khayre.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa shirka ka sheegay in la joogo xilligii madaxdu ka cabsan laheyd shacabka oo rabitaanka shacabka la fulin lahaa, waxa uuna ballan qaaday in xukuumaddu ay fududeyn doonto dhamaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah howsha muhiimka ah ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinku u hayaan qaranka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xuska Maalinta caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka oo ka socota magaalada Muqdisho.

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka (10-ka December)...

Wasiir Arrimaha gudaha XFS oo soo dhaweeyay muwaadiniin dib loogu soo celiyay dalka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane...

Ciidanka Danab oo deegaanka Towfiiq ku qabtay laba dhagar-qabe

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Soomaaliya oo u Diyaargarowday Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

Soomaaliya waxa ay si weyn ugu diyaargarowday xuska Maalinta...