QM oo ka digtay xaalad nafaqa darro oo kusoo wajahan 1.25 Milyan oo Carruurta Soomaaliyeed ah

Date:

Geneva-(SNTV)-Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan dhallaanka ee UNICEF ayaa ka digtay in Carruur kor u dhaafaysa 1.25 Milyan oo Soomaali ah ay halis ugu jiraan nafaqo-darro ba’an Sannadkan, sababto la xiriira fatahaadahii ka dhacay Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu Magacaabo, Stephane Dujarric , oo Jimcihii Shalay saxaafadda siinayay warbixinta joogtada ah ee daadadka tan iyo Bishii April ee Sanadkan ayaa sheegay inay jirto halis nafaqa darro.

Waxa uu sidoo kale sheegay in hay’addu ay ogaatay in kala bar Caruurta ay da’doodu ka yar tahay Shan jir oo ah in ka badan 1,25 Milyan ay wajahayaan Sanadkan xaalad nafaqo darro, waxaana Dadkaasi ka mid ah, 232,000 Carruur ah oo ay hayso nafaqo-xumo ba’an, kuwaas oo u baahan daryeel gaar ah.

Goobihii ay ka dhaceen daadadka ayaa laga baqdin qabaa inay ka dillaacaan cudurrada halista ah sida Jadeecada, Shuban Biyoodka iyo Daacuunka , kuwaas oo meelaha qaarba laga helay kiisaskooda balse lala tacaalay.

Daadadka ka dhacay Soomaaliya ayaa waxyeeleeyay xarumahii fayadhowrka, 22 xarun oo lagu nafaqaynayay 6,000 oo Carruur barakacayaal ah, iyagoo sababay inay xirmaan goobo badan oo lagu nafaqaynayay dhallaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa hoggaaminaysa barnaamijka lagu gargaarayo Dadka ay waxyeellada kasoo gaadhay fatahaaddu, Waxanay Wasaaradda Caafimaadka geysay Dawo loogu tala galay in wax lagaga qabto Cudurrada ka dillaaca goobaha ay ka dhacaeen fatahaadda iyo daadadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGADA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Xuska Sanad-guurada Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS “Geesiyaasha CXD waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga...