QM oo Lix ka mid ah Tahriibiyeyaasha Liibiya cuna qabatayn kusoo rogtay

Date:

New York-(SNTV)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn ku soo rogay Lix xubnood oo ka mid ah horjoogayaasha gabbood fallada u geysta Dadka tahriibayaasha ku go’doonsan Liibiya.

Cunaqabtaynta oo isugu jirta in safarrada caalamka laga xayiro iyo in Lacagtooda la xannibo ayaa ka dhalatay qorshe ay soo gudbisay Dowladda Netherlands, taas oo caalamkuna ku taageeray.

Qorshahan ayaa markii hore la soo bandhigay 1-diii May ee Sanadkan, balse Ruushka ayaa is hortaag ku sameeyay isaga oo dalbaday in uu dib u eego caddaymaha loo cuskanayo lixdaas Nin.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa daabacday halka ay kasoo kala jeedaan Malleeshiyaadkan wax tahriibiya ee Magafayaasha loo yaqaan, waxaana Afar ka mid ah lagu tilmaamay inay yihiin Liibiyaan, halka Labada kalana ay kasoo jeedaan Dalka Eretrea,

Raggan ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay, Ermias Ghermay iyo Fitiwi Abdelrazak oo Eretrean ah, hoggaamiyaha malleeshiyada oo ah Ahmad Oumar al-Dabbashi, kana soo jeeda Liibiya, Musab Abu-Qarin,oo hojooge koox ah qaybna ka ah Ciidanka ilaalada Xeebaha Samraata,Mohammed Kachlaf,oo ah madaxa guutada jabhadda Shuhada al Nasr Qaybteeda Degaanka Zawiya iyo  Abd al Rahman al-Milad,oo ah Madaxa ilaalada Xeebaha Liibiya u qaabbilsan degaanka Zawiya.

In badan oo ka mid ah tahriibayaasha ayaa ku go’doonsan xarummo si ku meelgaar ah Dadka loogu hayo, iyaga oo halkaasi kala kulma jirdil, kufsi, dil iyo ciqaabo daran oo ay kula kacaan Malleeshiyaadka wax Tahriibiya.

Cunaqabatayntan ayaa timid markii uu Taleefishinka CNN sii daayay dabayaaqadii 2017-kii warbixin murugo leh oo muujinaysa sida Dadka muhaajiriinta Afrikaanka ah loo ciqaabo, looguna kala iibsado xabsiyada ay Gacanta ku hayaan Tahriibiyeyaasha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...