QM oo Lix ka mid ah Tahriibiyeyaasha Liibiya cuna qabatayn kusoo rogtay

Date:

New York-(SNTV)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn ku soo rogay Lix xubnood oo ka mid ah horjoogayaasha gabbood fallada u geysta Dadka tahriibayaasha ku go’doonsan Liibiya.

Cunaqabtaynta oo isugu jirta in safarrada caalamka laga xayiro iyo in Lacagtooda la xannibo ayaa ka dhalatay qorshe ay soo gudbisay Dowladda Netherlands, taas oo caalamkuna ku taageeray.

Qorshahan ayaa markii hore la soo bandhigay 1-diii May ee Sanadkan, balse Ruushka ayaa is hortaag ku sameeyay isaga oo dalbaday in uu dib u eego caddaymaha loo cuskanayo lixdaas Nin.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa daabacday halka ay kasoo kala jeedaan Malleeshiyaadkan wax tahriibiya ee Magafayaasha loo yaqaan, waxaana Afar ka mid ah lagu tilmaamay inay yihiin Liibiyaan, halka Labada kalana ay kasoo jeedaan Dalka Eretrea,

Raggan ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay, Ermias Ghermay iyo Fitiwi Abdelrazak oo Eretrean ah, hoggaamiyaha malleeshiyada oo ah Ahmad Oumar al-Dabbashi, kana soo jeeda Liibiya, Musab Abu-Qarin,oo hojooge koox ah qaybna ka ah Ciidanka ilaalada Xeebaha Samraata,Mohammed Kachlaf,oo ah madaxa guutada jabhadda Shuhada al Nasr Qaybteeda Degaanka Zawiya iyo  Abd al Rahman al-Milad,oo ah Madaxa ilaalada Xeebaha Liibiya u qaabbilsan degaanka Zawiya.

In badan oo ka mid ah tahriibayaasha ayaa ku go’doonsan xarummo si ku meelgaar ah Dadka loogu hayo, iyaga oo halkaasi kala kulma jirdil, kufsi, dil iyo ciqaabo daran oo ay kula kacaan Malleeshiyaadka wax Tahriibiya.

Cunaqabatayntan ayaa timid markii uu Taleefishinka CNN sii daayay dabayaaqadii 2017-kii warbixin murugo leh oo muujinaysa sida Dadka muhaajiriinta Afrikaanka ah loo ciqaabo, looguna kala iibsado xabsiyada ay Gacanta ku hayaan Tahriibiyeyaasha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNAHA JFS OO GAARAY MAGAALADA DOHA EE DALKA QATAR

Doha, Febaraayo, 06,2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan...

Duqa Muqdisho oo horkacayay olole nadaafadeed oo maanta laga sameeyay Xeebta Liido

Muqdisho, Febraayo 06, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay horjoogihii Maaliyadda Khawaarijta ee Gobolka Banaadir

WAR SAXAAFADEED Muqdisho, February 05, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Wasiirka Gaadiidka Badda XFS oo uga mahadceliyay G/Wasiirrada Ansixinta Heshiisyada Badda

Muqdisho, Febraayo 05, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...