Duqa Muqdisho oo sheegay in maamulkiisu uu mudnaan sare siinayo gacan qabashada Agoonta Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho(SNTV):–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo la afuray Agoonta Gabdhaha (Xarunta Agoonta Degmada Boondheere) ayaa sheegay in maamulkiisu uu mudnaan sare siinayo gacan qabashada Agoonta, si ay u helaan waxbarasho iyo xanaanada ay rabaan.

Mudane Yarisow waxuu xusay in Caruurtaan ay u baahanyihiin taageero iyo garab istaag, isla markaana la qaadi doonno tallaabo kasta oo lagu wanaajinayo daryeelkooda. Isagoo intaas raaciyey in dib loo soo nooleyn doono xarumaha agoonta iyo dhalinta dhaqan-celinta u baahan.

“Caruurta Soomaaliyeed waa in ay helaan daryeel sidan ka wacan, waana in aan carruurta si gaar ah ula dhaqannaa oo siinaa mudnaanta ay leeyihiin, maalmihii u danbeeyey waxaan booqanayay xarumaha ciyaalka agoonta si aan u ogaano daryeelkooda. Mamulka Gobolka Banaadirna wuxuu siin doonaa daryeelka ay mudan yihiin, si dhowna ayaana ula socon doonaa xaaladahooda”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Duqa Muqdisho ayaa todobaadkii ugu danbeeyey booqanayay xarumaha agoonta ee ku yaalla Caasimadda, si uu xaaladdooda u ogaado, isla markaana si dhow ula socdo nolosha Agoonta Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...