Golloha Wasiiradda Soomaaliya oo Ansixiyay Hindise Shirciyeedyadda Dambiyadda Kufsiga iyo Sharciga Nakhshadeynta Magaalooyinka

Date:

Muqdisho(SNTV):— Shirka Golloha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Muadane Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyay Hindise Sharciyeedka Dambiyadda Kufsiga iyo Hindise Sharciyeedka Nakhshadeynta Magaalooyinka Soomaaliya. Sidoo kalana waxaa warbixino kala duwan laga dhagaystay qaar kamid ah gollaha wasiiradda iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Ugu horeyn, Wasiirka amniga Gudaha Mudane Maxmed Abuukar Islow Ducaale, ayaa ka war bixiyay amniga guud ee dalka iyo dar-dar gelintiisa, guulaha laga gaaray iyo qorshayaasha hor-tebinta leh ee khuseeya sare u qaadidda amaanka si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan nabad ay isku haleyn karaan.

Gollaha Wasiiradda ayaa dood iyo falaqeyn dheer ka dib waxay isla garteen in la ansixiyay Sharciga Dambiyada Kufsiga oo ay golaha hor keentay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuq Insaanka Soomaaliya, sidoo kalena waxay meelmariyeen ansixita Sharciga Nakhshadeynta Magaalooyinka oo kulankii hore ay soo gudbisay wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib u dhiska, waxayna sheegeen golluhu in sharicahn uu baahi badan dalku haatan u qabo.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed S.G. Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, oo ka qeyb galay shirka ayaa mudanayaasha uga warbixiyay Qorshaha Suggidda Amniga Caasimadda, ee (SAMA), isaga oo sheegay in ay meel wanaagsan marsiinayaan, tallaabooyin wanaagsanna ay qaadeen tan iyo markii la bilaabay dar-dar gelinta Sugidda Amniga Caasimadda.

Ugu danbeyntii, Wasiirka Qorsheynta XFS Jamal Maxamed Xasan, ayaa ka war bixiyay qorshaha soo ka bashada abaaraha iyo Fatahaadaha. Wuxuuna ku dheeraaday soo bandhigidda dhibaatooyinka laga dhaxli karo abaaraha soo noq-noqda iyo sidoo kale duufaantii dhawaan ku dhufatay qeybo kamid ah dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaasare kuxigeenka Dalka oo saaka qaatay Kaarka Cod-bixinta Doorashada

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed...

Wasiirka beeraha iyo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa kormeer ku tegay degmada Hawlwadaag oo ay ka socoto kaar qaybinta

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS oo xalay la caweeyey bulshadda, kuna boorriyay ka qeybgalka doorashada

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Serbia

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan...