Dowladda iyo wakiillada caalamka oo Muqdisho ku shiray

Date:

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa Muqdisho ka furay shir looga diyaar garoobayo shirka loo qaban doono  Bisha June Soomaaliya ee ka dhacaya dalka Belgium-ka.

Shirkaan heerkiisu sarreeyo ee ay isugu yimaadeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiillada Beesha Caalamka ayaa loogu diyaar garoobayaa Shirka Arrimaha Soomaaliya ee dhowaan ka dhici doona dalka Belgium-ka.

Deeq-bixiyeyaasha iyo wasiirrada dowladda Soomaaliya  ayaa isla falan-qeeyey Arrimaha Amniga, siyaasadda, Dastuurka barnaamiyada horu-tebinta u leh doorashooyinka guud ee 2020 la filayo,  hanaanka Suubban ee Maaliyadda dalka iyo horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo khudbadda furitaanka shirka jeediyey ayaa sharraxay ahmiyadda shirkaan heerka sare uu u leeyahay kulanka Caalamiga ah ee Brussels ka dhici donna Bisha June.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii ay ugu qancin lahayd Saaxiibadeeda caalamka barnaamijkeeda iyo hannaanka lagu fulin karo si Soomaaliya ay u hanato isku filnaansho amni iyo dhaqaale.

Shirka June ka dhici Doonna Belgium-ka waxyaabaha la horgeyn doono waxaa ka mid ah Daraasadda laga sameeyey dib u kabashada Abaaraha Soomaaliya ku soo laa-laabtay.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qadka teleefanka ugu hambalyeeyay dhiiggiisa dalka Uganda.

Muqdisho, Jannaayo 21, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay Shir-weyne ku Saabsan Nidaamka Federaalka.

Muqdisho, Janaayo 21, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...