Dowladda iyo wakiillada caalamka oo Muqdisho ku shiray

Date:

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa Muqdisho ka furay shir looga diyaar garoobayo shirka loo qaban doono  Bisha June Soomaaliya ee ka dhacaya dalka Belgium-ka.

Shirkaan heerkiisu sarreeyo ee ay isugu yimaadeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiillada Beesha Caalamka ayaa loogu diyaar garoobayaa Shirka Arrimaha Soomaaliya ee dhowaan ka dhici doona dalka Belgium-ka.

Deeq-bixiyeyaasha iyo wasiirrada dowladda Soomaaliya  ayaa isla falan-qeeyey Arrimaha Amniga, siyaasadda, Dastuurka barnaamiyada horu-tebinta u leh doorashooyinka guud ee 2020 la filayo,  hanaanka Suubban ee Maaliyadda dalka iyo horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo khudbadda furitaanka shirka jeediyey ayaa sharraxay ahmiyadda shirkaan heerka sare uu u leeyahay kulanka Caalamiga ah ee Brussels ka dhici donna Bisha June.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii ay ugu qancin lahayd Saaxiibadeeda caalamka barnaamijkeeda iyo hannaanka lagu fulin karo si Soomaaliya ay u hanato isku filnaansho amni iyo dhaqaale.

Shirka June ka dhici Doonna Belgium-ka waxyaabaha la horgeyn doono waxaa ka mid ah Daraasadda laga sameeyey dib u kabashada Abaaraha Soomaaliya ku soo laa-laabtay.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...