Xil ka qaadis iyo magacaabis Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka

Date:

 

Muqdisho: May 27, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee dalka Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan, waxa uuna xilkaas u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

Madaxweynaha oo tixgalinaya cabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed, garsoorayaasha, hawl-wadeennada garsoorka iyo xirfadleyaasha sharciga ee la xiriira in la helo garsoor hufan oo caddaalad ah, ayaa go’aansaday in dib u habeyn ballaaran lagu sameeyo hay’adaha garsoorka si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan garsoor hufan oo la isku halleyn karo.

“Aniga oo ka jawaabaya ballan qaadkeygii ahaa in la helo nidaam garsoor oo ku dhisan hufnaan iyo caddaalad, waxaan maanta xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka u magacaabay Mudane Baashe Yuusuf Axmed. Waxaan Guddoomiyaha cusub u rajeynayaa inuu kasoo dhalaalo hawlaha loo igmaday.” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Golaha Shacabka iyo Xukuumadda in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Kumeel Gaarka ah iyo Sharciga Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka si dib u habeyn dhab ah loogu sameeyo hay’adaha garsoorka dalka.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ayaa leh aqoon durugsan oo dhanka sharciga ah, waxa uuna hore usoo noqday qareen, cilmi-baare sharci iyo la taliye sharci.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan shaqadii uu usoo qabtay qaranka, wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda

Faallo; Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa sii xoojinaya xiriirkooda taariikhiga...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Congo oo laga guddoomey Waraaqihiisa Aqoonsiga

Safiirka JFS ee dalka Congo Mudane, Ilyaas Cali Xasan,...

Duqa Muqdisho iyo Culimaa’udiinka oo ka wada hadlay wacyigelinta bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Soomaaliya oo ka qaybgashay shir looga hadlayay u adkaysiga cimillada

Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeybgashay shir muhiim ah oo...