Bakistaan oo $10.5 Milyan ugu deeqday Soomaaliya.

Date:

Bakistaan(SNTV):– Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan diiwaangelinta iyo kaydinta xogta dadweynaha Soomaaliyeed, farsamada ku bixi doonta iyo tabobarada ayey ka caawin doontaa, waxaana ay Dowladda Pakistan ku bixin doontaa $10.5 Milyan si loo hirgeliyo mashruucaas.

Munaasabadda oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Pakistan waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiinta ugu sarreeya dalkaas oo uu ugu horreeyo R/Wasaaraha Pakistan mudane Shahid Khaqan Abbasi, Wasiirka Lacagta Pakistan mudane Miftah Ismail iyo Agaasimaha NADRA iyo masuuliyiin kale.

Dhanka Dowladda Soomaaliya waxaa metelayey Wasiiru Dowladaha Arrimaha Gudaha mudane Abdullahi Farah Wehliye, Safiirka u qaabilsan Soomaaliya Pakistan Marwo Khadija Mohamed Almakhzoumi, Dr. Nur Diiriye Hersi iyo masuuliyiin kale

Hay’adda Qaran ee Diiwaangelinta iyo Xogta Muwaadiniinta Pakistan oo loosoo gaabiyo (NADRA) ayaa kala shaqeyn doonta Dowladda Soomaaliya sidii loo diiwaangelin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo ka caawin doonta dhanka farsamada iyo tiknoolajiyadda loo isticmaalo diiwaangelinta iyo kaydinta xogta dadweynaha.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Dowladda Pakistan garab istaagga ay Soomaaliya garab taaganyihiin, wuxuuna sidoo kale ammaanay dadaalka ay Dowladda Pakistan ku bixinayso hirgelinta mashruucaas oo muhiim u ah in doorasho ka dhacdo dalka 2020.

dhanka kale Wasiirka Lacagta Pakistan Mudane Miftah Ismail ayaa sheegay in ay ka go’antahay Pakistan caawinta iyo garabsiinta Soomaaliya, isagoo sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid taariikhi ah.

Soomaaliya iyo Pakistan ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir saaxiibtinimo oo soo jireen ah, iyadoo sannadihii u danbeeyey uu soo xoogaysanayey xiriirkaas, Dowladda Pakistan ayaa dhawaan safaaraddeeda ka furi doonta magaalada Muqdisho si iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal loo sii xoojiyo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...