Guddiga Qaran ee Gurmadka fatahaadaha oo Hal Milyan oo doolar gaarsiinaya Deegaanada Fatahaaduhu saameeyeen

Date:

Muqdisho(SNTV):—Gudoomiyaha guddiga qaran ee Gurmadka fatahaadaha ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sheegay in kulan ay maanta ay isugu yimaadeen guddiga iyo guddi ay baarlamaanku usoo magacaabeen la socodka howlaha guddigu qabanayo.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa shir gudoominayay Ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka, Cabdiweli heekh Ibraahim Muudeey ayuu sheegay Mudane Khadar in falanqeyn dheer kadib la isla-gartay in deeqaha la haayo loo qeybiyo deegaannada dhibaatadu ka jirto si dhaqsa ahna loola gaaro.

“Lacag hal milyan oo doolar ah ayaan u qeybin doonaa deegaanada iyo goobaha ay fatahaaduhu dhibaatada ka geesteen Xildhibaanno ka socda baarlamaanka oo loo xil saaray in ay la socdaan howlaha gargaarka ayaa kor joogteyn doona oo la socan doona sida gargaarka loo bixiyay”, ayuu yiri Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Gargaarka lacageed iyo gargaar kale oo isugu jira Teendhooyin iyo Mara Kaneecooyin ayaa la gaarsiinayaa deegaannada dhibaatadu ka jirto ugu danbeyn maalinta Khamiista ah ee soo socota si loo badbaadiyo qoysaska daadadku dhibaateeyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...