Yaa is geeyay wareegga labaad ee tartanka degmooyinka Dharkeenleey iyo Yaaqshiid?

Date:

Muqdisho (SNTV)-Wareegga 1-aad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan  qeybtiisa 7-aad ayaa caawa waxaa ku wada ballansanaa Yaaqshiid & Dharkeenley  oo ka wada tirsan gobalka Benaadir.

Min todaba Su’aalood ayaa middiiba la weydiiyay oo ay kala sinnaayeen degmooyinkii ka horreeyay sida dhaqanka tartanku yahay.

Dharkeenleey 7-Su’aalood ee loogu tala galay ayaay  ka jawaabtay mid kamid ah wax ka faa’ideysi ah ma helin, in kastoo ay soo gudbiyeen cabasho inta tartanka lagu jiray, hadana waa la hagaajiyay cabashadooda, waxa ayna sidaas ku helaan 2-dhibcood.

Dhanka kale degmada Yaaqshiid  ayaa Iyana si lamid ah la weydiiyay 7-su’aalood, waxa ay ka jawaabtay labo kamid ah, mid waxa ay aheyd mid kamid ah kuwii ay xaqqa u lahaayeen halka tan kale ay soo hareermartay degmada dhiggooda ah waxa ayna sidaas ku helaan 4-dhibcood oo uga dhigan guul ay ku xaqiijiyeen wareegga 2-aad halka Dharkeenleey ay ku biirtay degmooyinka ku haray wareegga 1-aad.

Habeen dambe oo ah habeenka 8-aad ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan oo ay tabineyso warbaahinta Qaranka isla markaana  uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir  waxaa ku wada ballansan degmooyinka Boosaaso iyo Garowe  oo ka wada tirsan maamulka Puntiland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...