Puntland oo sii daysay Maxaabiis Soomaali iyo Ajaanib isugu jirta

Date:

Boosaaso-(SNTV)-Maxkamada sare ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Shalay oo Khamiis ahayd u fariisatay dacwad ka dhan ahayd Maxaabiis u dhalatay Dalka Iraan, kuwaas oo loo haystay inay si sharci darro ah kaga kalluumaysanayeen Xeebaha Dalka Soomaaliya, gaar ahaan degaannada uu maamulka Puntland ka arrimiyo.

Maxabiistan oo xilligii lasoo qabanayay oo ahayd 5/10/2017-kii laga dilay Naaquudihii Doonta, markii uu isku dayay inuu baxsado ayaa mudo 8 Bilood ah waxay ku jireen Xabsiga dhexe ee Boosaaso, Waxana horay u xukuntay Maxkamada darajada Koowad ee Gobalka Bari.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda sare ee Puntland Maxamuud Xassan iyo Xeer Ilaaliyaha Gobalka Bari, Bashiir Hobaley, ayaa dhagaystay eedeymaha loo haystay 17-ka Nin ee Iiraaniyiinta ah.

Gudomiye Ku Xigeenka Maxkamada Sare ee Puntland Nuur Ciise Maxamed , ayaa dhagaysiga ka dib wuxuu Xorriyaddoodii u celiyay 17-ka Maxbuus ee Iiraaniyiinta ahaa iyo Wakiilkii Doonta oo Soomaali ahaa.

Doonta Al-Saciidiya ee ay wateen Kalluumaysatada Iiraaniyiinta ah ayaa waxaa la wareegay maamulka Puntland, halka magta Naaquudihii Doonta oo Sunna ahaa lana oran jiray Xaydar Cabdalla, ay Maxkamaddu ku xukuntay in uu la wareego maamulka Shirkadda Al-Saciidiya.

Dhinaca kale Saraakiisha Maxkamada sare ee puntland ayaa kormeeray Xabsiga dhexe ee Magaalada Boosaaso, halkaas oo ay ku xiran yihiin Maxaabiis Sooomaali u badan oo dembiyo kala duwan loo haysto, waxaanay Maxaabiista ka waraysteen xaaladda Xabsiga ay ku nool yihiin iyo caqabadaha haysta.

Qaybo kamid maxaabiista ku xiran xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso oo dembiyo fudud loo haystay ayey Maxkamadu ammartay in xorriyaddooda dib loo siiyo ka hor Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo ay Maalmo yar uun ka harsan yihiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Isreal ee Hargeysa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ballaaran oo...

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay howlgal si heer...

Madaxwaynaha Qaranka oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada oo arrimo muhiim ah looga hadlay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...