Madaxweynaha Hirshabelle oo Muqdisho u yimid Caawinta Dadka uu saameyay Fatahaadda wabiga

Date:

Muqdisho (SNTV), Wafdigani uu Hogaaminayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare,  ayaa muqdisho uu yimid siddi gurmaad balaraan loo gaarsiin lahaa dadka uu saameyay Fatahaada webiga shabeelle, isaggoo sheegay inuu kulamo la qadaan doono madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya iyo guddiga Heer Qaran ee gurmadka fatahaada.

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo qeybta Nasashada Garoonka Aadan Cabdulle Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho Kula Hadlay Warbaahinta Ayaa Ugu Horeyn Ka Warbaxiyay Xaladahii U Danbeyaay iyo Sameynta Dhibaatooyinka Fatahaadaha ay ku yeeshen Deeganada Hirshabelle.

Sido Kale Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare  ayaa sheegay in dadka Deeganada Hirshabelle uu dhibaatooyin faro badan uu ku hayo Wabiga islamarkaane ka codsadaay Hay”adaha Deeq Bixiyeyaasha iyo Shacabka Soomaaliyed Iney Uu Gar Garaan Dadka Dhibaateysaan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, Ayaa Ka Mahad Celiyay  Doorka Dowlada Soomaaliya Ay ka Qadataay  Garab Istaaga iyo Caawinta Dadka uu Saameyay Fatahaada wabiga ,isagoona sheegay iney wadaan dadaalo looga gurmanayo deeganada sameynta weyn uu ku yeeshaay Fatahaada wabiga

Madaxweyne Waare oo ku sugnaa muddooyinkii u dambeeyay magaalada Beledweyne ayaa door Muhiim ka qaatay samatabixinta dadka ay guryahooda ka barakiciyeen daadadka Wabiga Shabeelle ee magaalada Beledweyne, iyadoo uu la qeybsaday Madaxweynaha Dhibaatada dadka saameynta culus ay ku yeesheen fatahaada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...