Wasiirka Amniga XFS oo Finland kula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalkaasi

Date:

Finland (SNTV)- Wasiirka Amniga gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu wehliyo agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa  safar shaqo ku jooga dalka Finland ayaa la kulmey wasiirka arrimaha gudaha Finland, waxaana laga wadahadlay iskaashi laga yeesho dhinacyada amniga, socdaalka iyo baasaboorka  Soomaaliga ah.
Dhinaca kale agaasimaha guud ee HSJ ayaa kulan gaar ah la qaatay kusimaha agaasimaha guud ee laanta socdaalka Finland, waxa ayna ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha socdaalka.
Fniland ayaa ballan qaaday tababarro ay u sameynayaan saraakiisha socdaalka Soomaaliya.
Dalka Finland ayaa ka mid ah dalalka laga sugayo go’aanka dib u tix gelinta baasaboorka Soomaaliya, waxa ayna ballan qaadeen in ay dedejin doonaan habka aqoonsiga baasaboorka Soomaaliya.
Wafdiga wasiirka ayaa booqday qaar ka mid ah xarumaha ilaalada xuduudaha iyo xarunta isku xirka howlgallada amniga iyo socdaalada ee Finland.
Ugu dambeyn wasiirka iyo wafdiga uu hogaaminayo waxa ay kulan la qaateen Taliyaha Boolista Dalka Filand oo ay ka wada hadleen isdhaafsiga xogta iyo qibradaha Booliska iyo sidoo  kale sidii ay Dowlada Filand qeyb uga qaadan laheyd tababaridda ciidamada Booliska Soomaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...