Eng Yarisow “Ka qeyb galka Cayaaraha heer Caalami ah waxay astaan u tahay soo noqoshada Dawladnimada Soomaaliya”

Date:

Muqdisho, 27, Abriil 2018–Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in ka qeyb galka Cayaaraha heer Caalami ah ay astaan u tahay soo noqoshada Dawladnimada Soomaaliya, xili uu ka hadlayay qado saagootin ah oo Xildhibaan Sheekh Mustafa Cali Dhuxulow u sameeyey kooxda FC Benadir Sports Clup oo dhowaan ka qeyb geli doonta isreeb-reebka Cayaaraha Jaamacadda Carabta.

Eng. Yarisow ayaa ku dhiiragaliyay dhalinyarada iney kor u qaadaaan cayaaraha, isagoo tilmaamay in isboortigu kaliya uusan ahayn kubad la cayaaro ee uu qeyb muhiim ah ka yahay nabadda iyo isdhexgalka bulshada.

“Ka qeyb galka Cayaaraha heer Caalami ah waxay astaan u tahay soo noqoshada Dawladnimada Soomaaliya iyo in dalku uu kaalintiisii isboorti dib ula soo laabtay. Waxaa xusid mudan in xulka kubadda cagta ee da’doodu ka hooseyso 17 jirada ee bariga iyo bartamaha Afrika ay gaareen heer kama danbeys ah. “Ayuu yiri Eng. Yarisow

Duqa Muqdisho ayaa xusay in maamulka Gobolka Benaadir uu gacan siinayo dhalinyarada Isboortiga, si loogu dhiirigeliyo xirfadooda, isla markaana uu rajeynayo in ay la soo laabtaan guul. Isagoo intaa ku daray in xafladani aysan ahayn kaliya saagootin ee kooxda Benadir Clup gacanta loo geliyey sharaftii dalka lagana rajeynayo guul farxad gelisa shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan qadada ah ee uu soo agaasimey Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Xildhibaano, bahda Isboortiga, khabiiro Soomaaliyeed oo ku xeel-dheer arrimahan, xubno ka tirsan bulshada rayidka ah iyo saraakiil dawladeed, waxayna dhammaantood guul u rajeeyeen kooxdan oo ku soo cayaari doonta magaca Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhoweeyay Dalka Jabuuti 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya 60 sano oo saaxiibtinimo iyo iskaashi ah”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga oo ka qeyb galay munaasabadda aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga  

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga, Amb....

Wasiirka Caddaaladda oo furay wadatashi ku saabsan Xeerarka Taxkiimka iyo Caddeymaha.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee JFS, Mudane Xasan...