Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo la kulmay dhiggiisa Dawladda Kuwait “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA), Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,  ayaa saaka gaaray Dalka Kuwait,  isaggoo ay la socdaan Ganacsato iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaraddaasi.

Wasiirka, ayaa  waxaa madaarka ku soo dhoweeyey dhigiisa dalka Kuwait , waxaana kulan saacado socday ay kula yeesheen  Hotel Sheraton Kuwait.

Wasiir Maareeye oo beryahanba ku mashquulsanaa suuq geynta waxsoosaarka Soomaaliya, ayaa wuxuu hore u sii qaatay waxyaalo fara badan oo uu ku muujinayo wanaagga dhaqanka iyo Waxsoosaarka Soomaaliya sida Moos, Cambe, liin, Isbaandhays iyo Alaab dhaqan oo kale.

Waxyaabahaasi kala duwan ee Waxsoosaarka dalka ka turjumaya , ayaa waxuu Wasiirka  ugu  talo galay in uu Soomaaliya ugu soo jiido maalqabeenada dalalka carabta oo uu doonayo in ay dalka maalgashadaan, si dhalinyarada Soomaaliyeed shaqo u helaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Xarigga ka Jaray Dib u Dhiska Waddada Isku Xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qayb Gashay Shirka Xuquuqda Aadanaha ee IGAD

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka...

Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Natiijo Muhiim ah ka Helay Ciyaartii Isreeb reebka Qaramada Afrika

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...