Taliyihii Raxanta Doomaha Badda oo ah eedeysanaha ayaa horay u dilay Allaha Uanaxariisa Gen Saciid Aadan Yuusuf Mariino oo ahaa Abaanduulihii Ciidamada Badda dilkaas oo ka dhacay gudaha dekadda weyn ee magaalada Muqdisho 18-01-2018.
Gen Liibaan Cali Yarow gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ugu horreynba u jeediyay eedeysanaha eed eey soo gudbiyeen xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida, waxa uuna eedaha loo jeediyay kaga jawaabay in uusan ku tala gal u gelin balse ay si kam ah ay ugu dhacday xabad ka fakay bistooladiisa taasi oo ugu dambeyn sababtay in uu geeriyoodo abaandulihii ciidamada badda.
Cabdullahi Maxammed ย Muuse (Keyse) oo ah kuย xigeenka 1-aad ee xeer ilaliyaha ciidamada qalabka sida ayaa u sheegay garsoorayaasha maxkamadda sare in uu cabdi nasir xoosh dil bareer ah uย geystay Gen Saciid Mariino sidaas darteedna ay maxkamadda uga codsanayaan inย dil toogasha ah lagu fuliyo.
Dhanka kale Abukaate ย Xasan Cabduulle Fara-yare ayaa ย garsoorayaasha maxkamadda sare weydiistay in ay dhiibaanย diyada marxuum Gen saciid mariino, maadaama uu sheegay eedeysanaha in uusan ku tala gal udilin.
Markaatiyaal ayaa iyana maxkamadda la horkeenay oo suโaalo la weydiiyay iyadoo sidoo kale baarihii kiiska la weydiiyay suโaalo, waxaana fadhiga maxkamadda ay aheyd mid furan oo ay ka qeyb-galayeen dhammaan dhinacyada dawcadda iyo dad-weyna kale.
Ugu dambeyn waxa maxkamaddaย soo xiray gudoomiayaha maxkamadda cidamada qalabka sida S/guuto liibaan cali yarrow, isagoo dhammaan dhinacyada ka qeyb-galayaasha u sheegay in maxkamadda goโaan kama dambeys ah ayย soo saari doonto.

