Guddoomiye Yarisow “Maamulka Gobolka Benaadir waxaa ka go’an horumarinta Naafada Soomaaliyeed”

Date:

 Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kulan looga hadlayay caqabadaha ay la kulmaan dadka naafada ah ee u baahan garab istaagga iyo la jaan-qaadka bulshada caadiga ah, waxa uu la qaatay wakiilllo ka socday dadka Naafada ah isla markaana u ololeeya xuquuqda dadka aan lixaadkoodu dhameyn.

Guddoomiyaha Yarisow ayaa ku booriyay bulshada Soomaaliyeed in ay u midoobaan ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xeerarka iyo qawaaniin sida adag u difaacaya xuquuqda naafada Soomaaliyeed.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa carrabka ku adkeeyey in naafanimadu aysan ahayn micneheedu awood la’aan balse ay tahay amar Eebe, iyadoo taas laga duulayana uu maamulkiisu sii wadi doonno dadaallada ku aaddan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda ay leeyihiin naafadu.

“Ka maamul ahaan, diyaar ayaan u nahay in aan qeyb ka geysanno wax walba oo lagu horumarinayo nolosha dadka naafada ah, weyna naga go’an in lala simo bulshada caadiga ah kuwa shaqeysan karana helaan fursado lamid ah kuwa dadka lixaadkoodu dhameystiran yahay.”Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow.

Xubnahan oo isugu jiray qeybaha kala duwan dadka naafada ah ayaa maamulka Gobolka Benaadir u soo hordhigay baahida ay qabaan, gaar ahaan waxbarashada, shaqooyinka, dib-u-howlgelinta xarumihii ay lahaayeen iyo daryeelka ay u baahan yihiin.

Kulanka ayaa waxaa Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ku weheliyey Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) iyo Xog-hayaha guud ee Maamulka G/Benaadir Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka warbixiyay Doorashooyinka K/Galbeed

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan ayaa Faahfaahin...

Madaxweynaha JFS oo ka hadli doona arrimo ahmiyad leh oo ku aaddan xaaladda Guud ee Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...