Guddoomiye Yarisow “Maamulka Gobolka Benaadir waxaa ka go’an horumarinta Naafada Soomaaliyeed”

Date:

 Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kulan looga hadlayay caqabadaha ay la kulmaan dadka naafada ah ee u baahan garab istaagga iyo la jaan-qaadka bulshada caadiga ah, waxa uu la qaatay wakiilllo ka socday dadka Naafada ah isla markaana u ololeeya xuquuqda dadka aan lixaadkoodu dhameyn.

Guddoomiyaha Yarisow ayaa ku booriyay bulshada Soomaaliyeed in ay u midoobaan ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xeerarka iyo qawaaniin sida adag u difaacaya xuquuqda naafada Soomaaliyeed.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa carrabka ku adkeeyey in naafanimadu aysan ahayn micneheedu awood la’aan balse ay tahay amar Eebe, iyadoo taas laga duulayana uu maamulkiisu sii wadi doonno dadaallada ku aaddan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda ay leeyihiin naafadu.

“Ka maamul ahaan, diyaar ayaan u nahay in aan qeyb ka geysanno wax walba oo lagu horumarinayo nolosha dadka naafada ah, weyna naga go’an in lala simo bulshada caadiga ah kuwa shaqeysan karana helaan fursado lamid ah kuwa dadka lixaadkoodu dhameystiran yahay.”Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow.

Xubnahan oo isugu jiray qeybaha kala duwan dadka naafada ah ayaa maamulka Gobolka Benaadir u soo hordhigay baahida ay qabaan, gaar ahaan waxbarashada, shaqooyinka, dib-u-howlgelinta xarumihii ay lahaayeen iyo daryeelka ay u baahan yihiin.

Kulanka ayaa waxaa Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ku weheliyey Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) iyo Xog-hayaha guud ee Maamulka G/Benaadir Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad,...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...