shir looga hadlaayo arimaha barakacyaasha oo muqdisho ka furmey

Date:

Shirkan wadatashi oo looga hadlayo Arrimaha Barakacaayaasha iyo Qaxootiga Soo laabtay ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow),Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Xildhibaan C/naasir Siciid Muuse,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah,Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Saadaq C/llaahi Cabdi iyo Xubno ka socda Ururada Bulshada rayid.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saarayaa sidii wax loogu qaban lahaa Dadka Barakacayaasha iyo Qaxootiga ku soo laabanaya magaalada Muqdisho iyo sidii xuquudooda saxda ah u heli lahaayeen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow), oo ugu horeyn ka hadlay shirka ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay sidii loo garab istaagi lahaa dadka barakacayaasha ee ku nool magaalada Muqdisho kuna heli lahaayeen xuquuda ay leeyihiin.

“Maamulka Gobalka Benaadir, isagoo ka duulaya masuuliyadda ka saaran dadka Soomaaliyeed ee ka soo barakacay deegaanadoodii, wuxuu maanta qabtay shir looga tashanayo mustaqbalkooda, maadaama qorshuhu yahay in barakacayaasha Muqdisho sanadka 2020 xal waara loo helo” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada iney ka qeybtaan qaataan sidii dadka Barakacayaasha iyo Qaxootiga soo laabanaya wax loogu qaban lahaa.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Eng: Saadaq C/llaahi Cabdi oo shirka ka hadlay ayaa Yiri” “Waxaan masuuliyadeeda qaadana doonnaa sidii aan uga shaqeyn laheen qiimeynta dib u dejinta, shuruucda dhulalka ay degi lahaayeen (Land Policy) iyo wixii shaqo ah oo Wasaaradeeda kaga soo aada arimaha barakacayaasha”

Sidoo kale,Wasiirka Ku-xigeenka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan C/naasir Siciid Muuse oo shirka ka furmay Muqdisho ka hadlay ayaa sheegay iney dadka Barakacayaasha ee ku jira Xerooyinka ay u nugul yihiin dhibanayaal,mararka qaarkood iyaga is dhibaateeya,madama u sahlan tahay iney dibada u baxaan iyagoo aan is difaaci Karin.

Maamul Gobolka Banaadir ayaa dadaal ugu jira sidii loo maareyn lahaa Barakacayaaasha ku sugan magaalada Muqdisho iyo Qaxootiga dib u soo laabanaya una heli lahaayeen dib u dejin iyo adeegyada asaasiga ah ee nolosha lama huraanka u ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...