“Waxaa naga go’an in dadka magaalada Muqdisho ay soo doortaan hoggaankooda”. ENG Yariisow

Date:

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), waxana ay ka wada hadleen qaabka ugu habboon ee doorashooyin uga dhici karaan 2020 magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Mudane Yarisow ayaa sheegay in maamulkiisu uu qorshaynayo dimoqoraadiyeynta Caasimadda iyo in talada dib loogu celiyo dadweynaha si ay u soo doortaan cida matalaysa.

“Guddoomiye Xaalimo Yarey waxaan wadaagnay waayo aragnimo kala duwan oo ku aaddan habraaca doorasho, maadaama qorshuhu yahay in talada lagu celiyo shacabka, iyaguna ay soo doortaan cida matalaysa. Waxaan sidoo kale isla bidhaaminnay sida ay arrimahan ku hirgeli karaan, iyadoo la isla eegay caqabadaha iyo waxyaabaha xal u noqon kara. ”.Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale, tilmaamay in bishaan gudaheeda uu ka dhici doono magaalada Muqdisho shir arrimahan looga tashanayo, shirkan oo wadajir u qaban doonaan maamulka gobolka iyo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka.

“Waxaan ka dharag sannahay in dadka Muqdisho ay muhiim u tahay in taladu iyaga lagu celiyo, si arrimahaas loo hirgelinayana waxaan shir wadatashi ah qaban doonnaa bishan Feebaraayo, shirkan oo ujeedkiisu yahay in lala tashado qeybaha bulshada iyo in sidoo kale la hirgeliyo waxyaabaha loo baahan yahay si loo gaaro doorasho dadweyne ee qof iyo cod ah sanadka 2020”. Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ee Soomaaliya Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), ayaa uga mahadcelisay maamulka gobolka sida ay uga go’an tahay in talada lagu celiyo shacabka, waxana ay intaas ku dartay in ay kala shaqeynayaan wax walba oo dhankooda looga baahan yahay si loo hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah.

Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in doorasho qof iyo cod ah ay dhici doonto sannadka 2020ka. Doorashadaas waxaa maamuli doona Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaran, kaas oo la aasaasay bishii Luulyo 2015ka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...