Raโ€™iisulwasaare Kheyre “Soomaaliya oo deymaha laga cafiyo ayaa caalamka la jaanqaadi karta”

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caalamka ka codsaday in la dar-dargaliyo sidii Soomaaliya looga dhaafi lahaa daynta si ay ugu suurto gasho hirgelinta isbedelka ay wado, isagoo tilmaamay inay lama huraan tahay in Soomaaliya ku soo laabto saaxadda caalamka.

Isagoo ka hadlayay kulan shalay ku qabsoomay Fagaaraha Dhaqaalaha Caalamka (WEF2018) ee magaalada Davos si gaar ahna diiradda loogu saaray arrimaha Soomaaliya, wuxu yidhi mudane Khayre โ€œDowladda Soomaaliyeed way ka goโ€™antahay in ay fuliso ballamaha ay u qaaday ummada Soomaaliyeed. laakiin waxaan ognahay in hirgelinta mashaariicda dib-u-habeynta iyo qorshaheega horumarineed oo ay ka mid tahay dhisidda amniga, mashaariicda kaabayaasha, dhismaha hayโ€™adaha dawliga ah iyo dib u soo noolaynta dhaqaalaha ay u baahanyihiin hanti .โ€

โ€œSoomaaliya kaligeed ma fulin karto arrimahaas iyada oo dhaqaalaheegu xaddidan yahay culayska daynta ay dhaxashayna uu gaadhsiisan yahay ilaa ย ย lix bilyan oo doolar,โ€ ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Khayre,ย  isaga oo hoosta ka xariiqay in dar-dargalinta dayn dhaafka iyo la xidhiidhka hayโ€™adaha maaliyadda caalmiga ay muhiim u tahay horumarka waddanka.โ€

โ€œXukuumaddaydu waxay ku howlantahay la shaqaynta hayโ€™adahaas waxayna ku dadaaleysaa sidii ay u fulin lahayd shuruudaha loo qoondeeyay si ay u joogtayso xidhiidhka una wanaajiso maaraynta maamulka maaliyada,โ€ ayuu yidhi, isagoo timaamaya in uu ku kalsoon yahay in lagu guulaysan doono fulinta arrintaasi.

Isaga ku ammaanaya ganacsatada Soomaaliyeed doorkii ay ka qaateen badbaadinta dalka, wuxu yidhi: โ€œIn kasta oo ay dhib badan soo mareen, haddana shirkadahaย  gaarkaย  loo leeyahay ee Soomaaliyeed waxay ย si joogta ah u bixinayeen adeegyo muhiim ah ee ku saabsan badbaadinta iyo soo noolaynta ummadda, isagoona tilmaamay in xawaaladuhu ay yihiin illaha maalgashiga ee muhiimka ah, wuxuuna ku baaqay isbaheysi wax-ku-ool ah in ay samaystaan dawladda iyo shirkadaha ganacsiga leh.

Wuxu tilmaamay warbixinta Bangiga Aduunku ku qeexay in wax soo saarka Soomaaliyeed uu koray boqolkiiba shan sannadkii 2015 iyo boqolkiiba lix sannadkii 2016, wuxuu ku nuux-nuuxsaday baahida degdega ah ee loo qabo sahaminta qaybaha kale ee dihin ee khayraadka dalka.

โ€œBiyaha Soomaaliya waxay ka mid yihiin meelaha ugu qanisan ee kalluumeysiga qaaradda Afrika iyada oo haddana khayraadka baddeena dhererkeedu yahay 3,330 km aan sidii la rabay looga kalluumaysan .โ€

Waxa kale ee uu sheegay Mudane Khayre in khayraadka kale ee wax soo saarka ay ka mid yihiin 8.5 milyan oo hektar ee dhul beereed ah iyo in ka badan 50 milyan oo xoolo ah marka lagu daro macdanta aan wali la taaban.

Mudane Khayre ayaa tilmamaay haddii si sax ah loo isticmaalo dhammaan khayraadka dalkeena, waxaa Soomaaliya u suurto geli doonta in aysan ka wel-welin helitaanka cuntada, abuurista shaqooyinka, kordhinta dakhliga dawladda, iyo in ay gacan ka geysato ganacsiga caalamiga ah.

Waxa kale ee uu sheegay in ay samayeen bartilmaameed lagu yareynayo saboolnimada iyada oo la adeegsanayo hirgelinta marin-raacyo lagama maarmaan ah, qaab-sharciyeedo iyo jawi maalgashi oo cusub.

โ€œSoomaaliya, waxay diyaar u tahay inay dib u bilaabato kaalinteedii taariikhiga ahayd ee ahaa in ay noqoto albaabka ganacsiga Afrika, iyada oo adeegsanaysa xeebteeda badweynta Hindiya iyo badda Cas,โ€ ayuu yidhi Mudane Khayre.

Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya oo shacabkeena u badan yahay dhallinyaro, ay si xoog leh uga faaโ€™iidaysan karto fursadaha jira, fulin karto siyaasadaha loo baahan yahay, isbedel dhaqaalana ku guulaysan karto.

โ€œAdeegyada ay bixin karto waxa ka mid ah waxbarashada, shaqo abuurka iyo kor u qaadista maciishada, taas oo aad u yarayn karta in dhallinyarada lagu duufsado been abuurka ay ku adeegsadaan kooxaha xag jirka ahi,โ€ ayuu yidhi Mudane Khayre, wuxu raaciyey in dawladdu qaaday talaabooyin wax ku ool ah oo ku saabsan sugida amniga iyo isbedelo siyaasadeed iyo kuwo dastuuriya.

Raโ€™iisul Wasaare Khayre ayaa kulamo dhowr ah la yeeshay madaxda sare ee hayโ€™adaha caalamiga ah iyo madaxda caalamka ee shirka ka soo qayb galay, waxaana ka mida ahaa Christine Lagarde oo ah Madaxa IMF, Kristalina Georgieva, Madaxa Agaasimaha Bangiga Adduunka, Akinwumi Ayodeji Adesin, Madaxa Bangiga Horumarinta Afrika, Madaxa WEF Borge Brende iyo sidoo kale Madaxda waddamo dhawr ah sida Raโ€™iisul Wasaaraha Norway Ernest Solberg, Raโ€™iisul Wasaare ku xigeenka Ruushka ahnaWasiirka Warshadaha iyo Tamarta Arkady Dvorkovich, Raiisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Qadar Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al Thani, iyo kuwa kale.

Waa markii ugu horaysay uu wafti Soomaaliyeed ka qaybgalo shirkanย  caalamiga ah ee Fagaaraha Dhaqaalaha Aduunka (WEF2018) ee lagu qabto magaalada Davos ee dalka Switzerland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale