Godoomiyahii hore ee Gobalka Banadir oo la kulmey Godoomiyaha Cusub

Date:

C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) Guddoomiyaha cusub ee maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa xalay hoygiisa ku booqday Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed.

Waxaa ku wehlinayay Guddoomiye Eng.Yariisow booqashadiisa Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow(Ducaale), Wasiirka Boostada Eng. Cabdi Cashur, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo uu ka mid yahay Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Kulan ay yeesheen guddoomiyaha cusub Eg C/raxman Cumar Cusmaan (Yariisow) iyo guddoomiyihi hore ee Gobolka Banaadiir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa waxaa ay ugaa hadalen, siday ay uga wada shaqayn lahayen danta guud iyo danaha Gobolka.

Masuuliyiinta ayaa  sido kale waxa ay sheegeen in lo baahan yahay nabada iyo sugida amniga gobolka Banaadir,sida uu sheegay Wasiirka  Amniga, soomaaliya .

labada Guddoomiye ayaa ku heshiiyay sidii loo qaban lahaa Guddi ka shaqeeya xil wareejinta, waxaana ay ku heshiiyeen sidii si habsami leh ay ugu qabsoomi laheyd Munaasabadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...