Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ka qayb galay Shir looga hadlayay Amniga Qaranka

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta shir guddoomiyey kulan looga hadlayay Amniga Qaranka oo lagu gor-feynayay xaaladda amaan ee dalka, Xoojinta xiliga kala guurka iyo Wadashaqeynta hay’addaha amniga ee Beesha Caalamka.

Shirkan oo diiradda lagu saarayay qorshaha diyaarinta ciidankii la waregi lahaa amniga dalka , kuwaaso oo badeli doona ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee Midowga Afrika, dawladda Soomaaliyeedna ka caawiyay sidii ay dib ugu soo ceshen lahayd amaankeeda. Waxaana la isku af-gartay in howshan bilowga ah aysan noqon mid fadhiida.

Wasiirka Amniga Gudaha ee xukuumadda Soomaaliya, Abuukar Islow Ducaale, oo markii uu shirka dhamaaday la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulankan uu daba socdo shirki Afartii Bishii December ee sanadkii 2017 ka lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayay amniga Qaranka. Waxuu kaloo tilmaamay in kulanku uu kusoo dhamaaday jawi isfahan, iyadoo ay beesha caalamka balan qaaday in ay bixin doonto dhaqalaha iyo qalabaynta ciidanka military ee Soomaaliya kuwaas oo la waregaya guud ahaan amaanka Soomaaliya.

Mudane Ducaale wuxuu kaloo sheegay in dawladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay la wareegto goobaha ay ka baxaan ciidamadda AMISOM, iyagoo kaashanay shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kalena waxuu tilmaamay in ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeedna ay diyaar u yihiin in ay la wareegaan shaqadii ay ciidanmadda Midowga Africa ay u hayeen ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaare Kheyre oo soo xiray shirka ayaa tilmaamay in xukuumaddiisa ay u diyaar garowday sidii ay ula wareegi lahayd guud ahaan amniga dalka, wuxuuna ka mahad celiyay doorkii ay Beesha Caalamka ka qaadatay sugida amniga dalka.
DHAMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo khawaarijta ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay ee Gobolka Bay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku jabiyay...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo guddoomiyey Shirka Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Wasiiru-Dowlaha Caddaaladda oo xilka u kala wareejiyay taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta iyo taliyaha cusub

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya, ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Ilyaas...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saaybarka

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin...